
Dhageyso Abwaan Xuseen Shire oo soo qaaday hees uu Halxiraale uga dhigay Fanaaniinta”Muqdisho ayuu ku wajahan yahay”
Inkastoo
heesta Xuseen Shire marka si degan loo dhageysto u macna tahay sidaan u soo
heesa,eraya u sameeya,laxana u saara hadana waa hubaal in Abwaanka uu gaari
doono Dowlad degaanka Somalida maxaa yeelay gabadha loo heesaya ayaa lagu
masaalay Ubaxii Jigjiga,Awaare iyo Diridhabe.
Laxanka
heesta iyo jawaabaha muusikiiste Mohamed Karaama labaduba waxay ka dhigan
yihiin kuwa aan hore oo maqal.
Heestaan
Ubaxii Jigjiga waxay ku beegan tahay xilli Xuseen Shire Ciyaar jecel ku wajahan
yahay Somalia gaar ahaan Caasimadda Muqdisho sida uu ku qoray barta uu ku
leeyahay Facebook.
Xuseen Shire
waa Abwaan,waa laxamiiste,hadana qaadista heesaha wuxuu u jilaa cod macaan
marka loo eego HEEYGU EEGIN XANUUNKA,HAR IIJEED,DERSINKII HEESAHA KICINTA IYO
WADANIMADA EE QEEYLADHAAN IYO HEESTA LUUL.
Abwaan
/Fanaan Xuseen Shire wuxuu qurbaha soo galay sanadkii 1988 xilli uu Radio Muqdisho
u duubay heeso wadaniya sida heesta dhiteeysi.
Safar
Salaama ,see you Mogadishu and Jigjiga.
Dhageyso Abwaan Xuseen Shire oo soo qaaday hees uu Halxiraale uga dhigay Fanaaniinta”Muqdisho ayuu ku wajahan yahay”
Abwaan-Alfanaan Xuseen Shire Ciyaar jecel ayaa soo saaray hees cusub oo magaceeda loo bixiyay Ubaxii Jigjiga hasse yeeshee wuxuu heestaan u qaaday si ka duwan heesahiisii hore taas oo lagu fasiri karo inuu hal xiraale uga dan leeyahay si aan looga bi