Xasuusta Kooxdii heegan-Faallo Fanaan Bashiir Cali Xuseen iyo falanqeynta heesaha Maqalka ee Dahir Alasow

4
Monday November 15, 2010 - 12:15:45 in Faallooyin by Super Admin
  • Visits: 16390
  • (Rating 3.2/5 Stars) Total Votes: 6
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Xasuusta Kooxdii heegan-Faallo Fanaan Bashiir Cali Xuseen iyo falanqeynta heesaha Maqalka ee Dahir Alasow

    Halkaan kore ka dhageyso:Waxaa si wadajira u soo saaray Fanaan Bashiir Cali Xuseen iyo Wariye Dahir Calasow

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abwaan Cabdi Bashiir indhabuur
Halkaan kore ka dhageyso:Waxaa si wadajira u soo saaray Fanaan Bashiir Cali Xuseen iyo Wariye Dahir Calasow

Taariikhdu waa ma huraane abbaaraha xilli ay ku beegneyd 20 Diseember 1972kii, ayaa dhismaha kooxdaasi asaas ahaan dhidibbada loo taagay.

Waxey aheyd koox billowgeedii horaba car car iyo kuleyl masraxyada la soo istaagtay, taas oo ay ku kasbatay taageerayaal badan oo ku lammaansanaa goob kasta oo ay kooxdu soo caga dhigataba.

Kooxdu waxey laheyd abwaanno tayo leh oo ay ka mid ahaayeen:-

1. Cabdi Bashiir indha buur ( Marxuum)

2. Max’uud Max’ed daba-gooye ( Marxuum)

3. Maxamed Maxamuud Firin ( Marxuum)

4. Cusmaan Diiriye Carrabey

5. Maxamed Faarax Shabeel

6. Axmed Garow Cabdalla

7. Sugaal Cabdulle

8. Salaad Diirshe.

Abwaannadan kor ku xusan oo isugu jira qaar dhintay iyo kuwo haatan nool, waxey qaar kood lahaayeen hibo gaar ah oo curinta maansada u sii dheereyd tusaale ahaan:-

Abwaan Cabdi Bashiir Indha-buur curinta ka sokow wuxuu ahaa mullaxin heesaha kooxoda intooda badan laxameeyay, abwaan Maxamed. M. Firin, ayaa isagun ku luuqeyn jiray gabayada, Sugaal Cabdulle, ayaa sidoo kale isku darsaday curin, heesaanimo iyo jilisba.

Kooxdii heegan, waxaa lagu xusuustaa kaalintii waddaniyadeed ay ku laheyd dagaalladii 1977 ee lala galay Abyssinia iyo jawaabihii deg degga ahaa ee ay ka bixin jireen wareegtooyinkii kacaanka taas oo uu marxuum madaxweyne Maxmed Siyaad Barre ugu naaneysay iney yihiin ( hooyadii fanka ).

Xusuusta kama maqna heesaha kala ah:-

Hantiyey macaan… Arligeygow… isku duubni… taliska nugul…. Qaranimo iyo qaar kaloo badan.

Heesaaga kooxda oo isugu jira kuwo nool iyo qaar dhintayba, waxey kala ahaayeen:-

1. Saciid Mire Xeydar ( marxuum )

2. Maxmuud Ciise Timo-jilec ( marxuum )

3. Xasan Culusow Taraafiko ( marxuum )

4. Ibraahim Baadil ( marxuum )

5. Deeqa Axmed Raage ( marxuumad)

6. Timiro Calasow ( marxuumad )

7. Ismaaciil Xaamud Cabdi

8. Aadan Axmed dhooy

9. Cusmaan Muudey Turufaay

10. Axmed sardheeye

11. Cabdullaahi Jaamac

12. Faadumo Maxamed ( fadumo-Duur )

13. Luul Xasan ( xaawa luul )

14. Faadumo Cumar ( faadumo-heegan )

15. Saciido Cabdi Muuse ( saciido-Buuro )

16. Luul Axmed ( Luul-wadajir )

17. Faadumo Axmed ( alxamdulilley )

Iyo qaar kaloo badan oo aan halkan lagu wada xusi karin.

Kooxda muusig ahaan marka laga soo tago baambeyda ciidanka booliiska waxey laheyd muusikiiste u gaar ah oo si fiican u xirfadeyn yaqaan hab socodka heesaha iyo muusig raacintaba.

Ugu danbeystii Ismaaciil Xaamow cabdi oo heesaaga kooxda ka mid ahaa wuxuu leeyay ” fadlan wixii kooxda heegan ku abtirsadow ila soo xiriira telefankaan, si ayno isu wada baadi goobno” ( 0034-671293801 Spain )

Qalinka.

Bashiir Cali Xuseen.

[email protected]

Wareysiyo lala yeeshay Jeneral Caydiid,Duuliye sare Cabdi Cismaan iyo Maxamed Nuur Caliyow 13 Janaury 1992 Dhageyso

Wareysi lala yeeshay Maxamed Siyaad Barre 30-01-1974 Dhageyso

Hees Jeneral Siyaad dhageysan jiray xadka iyo xawaaraha Dhageyso

Jeneral Siyaad khudbad uu jeediyay 25-12-1969 Dhageyso

Wareysi Jeneral Caydiid lala yeeshay 20-01-1992 Dhageyso

Gabay uu Jeneral Caydiid tiriyay oo lagu magacaabo Cawo Dhageyso

Taariikh nololeedka Amiirka Al-Shabaab Ahmed Godane Dhageyso

Wariyeyaasha ugu caansan Somalia oo ilmeynaya dhageyso Part 1

Qeybta 2 aad ee Calool xumida badan halkaan ka dhageyso



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip