Fanaan Iidle Yare oo soo qaaday hees lama arag lamana maqal

0
Monday March 25, 2013 - 05:31:52 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 3304
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fanaan Iidle Yare oo soo qaaday hees lama arag lamana maqal

    Fanaanka Iidle Abdullahi ayaa soo qaaday hees lama arag lamana maqala,waa heelo,waa hees iyo badh.waxaana loo bixiyay JUFA.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fanaanka Iidle Abdullahi ayaa soo qaaday hees lama arag lamana maqala,waa heelo,waa hees iyo badh.waxaana loo bixiyay JUFA.

Heesta cusub ee IIdle Yare soo saaray waxaa sameeyay Abwaan Mowliid Muuse oo loo yaqaan ABWAAN BILAAL halka uu laxanka macaan saaray Dahir Alasow.

Heesta Jiibiniya Fanaaniinta Cabdi Shire Jooqle,Xasan Cagaaran iyo Xasan Cujeer Cajami oo Musikada tumay.

Heestaan wuxuu Abwaanka u sameeyay Gabadh degan Magaaladda London oo lagu magacaabo Hodan Mohamed Nuur Faahiye.

Hadaba erayada heesta waxay yihiin sidaan:-

Hees Jufa

-----------

Idhan Degaladiisii

Inaan wada dalxiisnoo

Kula dubtaa xasiidoo

Kuuna diiro aalaha

Dacalkaaga joogoon

Adi uun ku daawado

Waa duni Barwaaqee

----------------

Page1-

Sidaad tahay dhul doogiyo

Dareemadu isqabatoo

duunyadu ku naaxdoo

dadku farax ku joogaan

ayaan kuugu doogtaa

oon kuugu darara

markaan dayo dhankaagee

--------

Kooris-

Hodaney dunbaatahay

Dun xariira baad tahay

Dila iyo magaalo cad

Jufa daafaheediyeey

Yaa kugula dadab gala

oo dalxiis aroortii

dagalada dhamaantood

kusoo daawad siiyoo

Danbar kugula soo dhamayee

--------

Page2

Dawooy dumar mudnaantood

mida daris lanoqotee

anigana i deeqdaay

dumar gabi ahaan tood

dookhu miduu i raacshoon

abid dayn karayn iyo

waxa tahay darmaan

------------------------

Erayo: Mowliid

Laxan: Dahir Alasow

Hibeyn Iidle yare






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip