Fanaan caana oo Ethiopia ka diiday todobaatan kun dollar

2
Monday November 15, 2010 - 12:08:10 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 6252
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fanaan caana oo Ethiopia ka diiday todobaatan kun dollar

    Cunaabi.com

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cunaabi.com Fanaanka caanka ah ee Hassan Adan Samatar ayaa ul dheer iskaga fogeeyay Casuumaad ay dowladda Ethiopia kaga dooneysay inuu bandhig faneed ka dhigo Caasimadda Addis Ababa

" Ragga ka socday Dowladda Ethiopia waxaan u sheegay inaan ahay Fanaan Qaran sidaas darteed qadiyadeyda sodonka sano ka badan aan ku dheganaa laguma bedeli karo lacag,waxaan ku faanayaa Somalinimadeyda,waxaan xasuusanayaa xasuuqii Ciidamadda Melleteriga Ethiopia ka geysteen Caasimadda dalkeyga ee Muqdisho" ayuu yiri Fanaanka Hassan Adan Samatar oo khadka telefoonka ugu waramayay Waagacusub.com

Live Bar Kulan Radio **Dhageyso**.


Fanaan Samatar wuxuu ka gaabsaday inuu sheego dhaqaalaha saraakiisha ka socotay Dowladda Ethiopia kula gorgortameen hasse yeeshee ila wareedyo muhiima ayaa xaqiijiyay in gorgortanka bandhig faneedkiisa ay ragga Ethiopia ka socday ka bilaabeen sodon kun ,ugu dambeyntiina la gaareen todobaatan kun oo dollarka Mareykanka.

Lamma ogga Dowladda Ethiopia sababaha ay Fanaanka weyn ee Hassan Adan Samatar ugu bixineysa lacagaha badan inuu Addis Ababa ka heeso laakiin marka dhinac kale laga fiirsho Samatar waa fanaanka qaada heesta GALBEED WAA LA XOREEYAY.

" Taariikhdu waa qoran tahay ayaan leeyahay Fanaaniinta Qaranka Soomaaliyeed iyo qofkasta oo Somalia"ayuu Hassan Adan Samatar si kooban u yiri mar la waydiiyay,waxa ay dhib u geysan karo inuu ka heeso xaflad ay agaasintay dowladda Ethiopia.

Samatar oo ka mida fanaaniinta hoboladda Waaberi ahna fanaanka ugu heesaha badan fanaaniinta Soomaaliyeed waxaa lagu tiriyaa ragga ka duda inay ku lug yeeshaan siyaasadaha iyo kooxaha isku haya balse wareysiyo uu siiyay Universal Tv iyo BBC Somali ayuu ku cambaareeyay dowladda Ethiopia xilligii ay Muqdisho ka waday xasuuqa balaaran sanadkii 2007

Wareysiyo lala yeeshay Jeneral Caydiid,Duuliye sare Cabdi Cismaan iyo Maxamed Nuur Caliyow 13 Janaury 1992Dhageyso

Wareysi lala yeeshay Maxamed Siyaad Barre 30-01-1974Dhageyso

Hees Jeneral Siyaad dhageysan jiray xadka iyo xawaarahaDhageyso

Jeneral Siyaad khudbad uu jeediyay 25-12-1969Dhageyso

Wareysi Jeneral Caydiid lala yeeshay 20-01-1992Dhageyso

Gabay uu Jeneral Caydiid tiriyay oo lagu magacaabo CawoDhageyso

Taariikh nololeedka Amiirka Al-Shabaab Ahmed GodaneDhageyso

Wariyeyaasha ugu caansan Somalia oo ilmeynayadhageyso Part 1

Qeybta 2 aad ee Calool xumida badanhalkaan ka dhageyso


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip