Miraha heesta Baadigoob ee Qaali ladan qaado

1
Tuesday December 04, 2012 - 00:41:02 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 7332
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Miraha heesta Baadigoob ee Qaali ladan qaado

    Heesta Baadigoob ee Fanaanada Qaali ladan idiin qaadeyso waa qisa dhaba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Heesta Baadigoob ee Fanaanada Qaali ladan idiin qaadeyso waa qisa dhaba

Heestaan waxaa laga sameeyay qiso dhaba oo hadii la idinkaga sheekeeyo qalbigiina xasuus gaara ayey ku reebi doontaa.

Gabar ama wiil ku nool Magaaladda Borama ayaa la caashaqay balse qisada xanuunka badan waxay soo shaac baxday markii telefoonkii qofkaas bixi waayay .

Qofkii sheekada ku dhacday ayaa kadibna wuxuu Riyo ku maray Borama,Baki,Dila ,Berbera iyo ilaa Hobyo.

Inkastoo muuqaalka guud ee heesta yahaysawir Jaceyl hadana bud dhigeeda ugu weyn wuxuu xambaarsan yahay Wadaniyad iyo Somalinimo.

Waan hubaa inaad jeclaan laheydeen inaan sheekada heesta idinkaga dhaco balse ,anigoon hebel idin dhihin iga hanta Miraha erayada iyo maqalka heesta.Dhageyso

Hees Baadigoob


------
Riyadu xalay ila baxdoo
Boramaan u dalxiis tagoo
Bakiyo dila sii maroo
Barwaaqaa gobolka tiil
----
Bulshadu weey caweeynayeen
Calankooda bilicda wacan
Cadaan iyo Baluug buu ahaa
Bil iyo Xidig baa ku tiil
----
Miyaadan ballan aqoon
Bilaahi miyaad ogeen
Halkaad beeybi iiga taal
Mise qalbi waa bugtaa
--
Alla Bukaan baan ahay dartaa
Bil dhamaatay kumaanan maqal
Boqol kaar soo gatoo
Telefoonku iima baxo
----
Berbera ,Sool iyo Sanaag
Hobyaan u baqoolayoo
Naftaan ku bogsii is iri
Beeraha mooskiyo cambaha
-------
Yarkaan u basaasayoow
Baadigoobkaan kuugu jiray
Baafinteeydii kuguma helin
Bidhaansina kuguma arag
---
Miyaadan ballan aqoon
Bilaahi miyaad ogeen
Halkaad beeybi iiga taal
Mise qalbi waa bugtaa
--
Alla Bukaan baan ahay dartaa
Bil dhamaatay kumaanan maqal
Boqol kaar soo gatoo
Telefoonku iima baxo
---
Erayo iyo Laxan
Dahir Abdulle Alasow


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip