Farriinta fanka iyo fannaanka Soomaaliyeed

0
Monday September 24, 2012 - 03:56:34 in Faallooyin by Super Admin
  • Visits: 8550
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farriinta fanka iyo fannaanka Soomaaliyeed

    Waxaa qoray Bashiir Cali Xuseen. [email protected]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa qoray Bashiir Cali Xuseen. [email protected]

Cunaabi.com - Mudane madaxweyne Xasan Sh, Maxamuud, mudane guddoomiyaha baarlamaanka Prf: Jawaari iyo guud ahaan xildhibaannada sida xalaasha aheyd loo soo doortay intuba mudanayaal iyo marwooyin naga guddooma hambalyo ku aaddan caleemo saar kiinna iyo Somalia oo heshay dowlad aan ku meel gaar aheyn dalkeedana isku dhex dooratay.

Haddaba mudanayaal iyo marwooyin, xilligii uu hal heysku ahaa axyaa waddani ee gumeysiga la la dirirayay fannaanka Soomaaliyeed, wuxuu ahaa horseed safka hore la taagan guubaabadiisa suugaaneed, isla markaana qaansada iyo gamuunka aan iska dhigin, golxabka iyo warankana cadowga ku beer gooya, idinkuna sidoo kale, mudanayaal iyo marwooyin dhammaantiin, waxaa leydin ka doonayaa inaad ka faa’iideysataan kuna dhiirataan tilmaamaha iyo tusaalooyinka wanaagsan ee ay idiin soo tabinayaan ( tix-maalka, af-maalka, cag-maalka iyo suxufiga qalin maalka ah ) taas oo aan filayo iney dalka iyo dadka Soomaaliyeed idil ahaantoodba guul u noqon doonto.

Mudane madaxweyne xorriyaddii ka dib, dowladihii dalka soo maray ee rayid iyo millateriba lahaa, waxey ku soo aflaxeen oo uu saanqaad koodu ahaa xikmadaha suugaaneed ee ay fannaaniintu bulshada ku dhiirri gelinayeen, xag bulsho, xag dhaqaale iyo xag siyaasadeedba.

Mudanayaal iyo marwooyin mas’uuliyiinta xilka noo qaadayow qaran aan adeegsanin cududaha fanka, farshaxanka iyo isboortiga meel ma gaaro, waayo bulshada is dhaxgal keeda iyo is jacaylkeedaba, wuxuu ka dhashaa dhinacyada aan soo tilmaamay, haddii kuwaasi la tixgelin waayana bulshadu waxey ku mashquulsanaan doontaa siyaasadda iyo kuraasta aad ku fadhidaan ee fadlan indhaha kala fura!.

Helitaanka xorriyaddii Soomaaliya ee curatay 1960kii, inta badan waxaa loogu abtiriyaa in ay guusheeda ka dhalatay dagaalkii suugaaneed iyo guubaabadii joogtada aheyd ee uu fannaanka Soomaaliyeed ku kicinayay dadkiisa.

Eeg halkan abwaan Hadraawi oo xilligii xorriyadda ka hadlaya, wuxuu leeyahay:-

Xamar iyo hargeysaba

Dhagax iyo hangooliyo

Heellaa xoreysee

Wallee hoobalkoon jirin

Libini soo ma hoyateen.

Haddaba mas’uuloow horumarka doon oo aqoon ku doon suugaantana farriin uga dhig, waayo waa dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed la’aanteedna qabyaa jiri doonta ee taa maanka ku sii haay.

Suugaani wey ku duulisaa

Marna wey ku daadihisaa

Farxad kugula dakeysaa

Ubax kugu dul daadisaa

Doc kale haddii laga eego

Digniin bey xanbaarsan tahay

Dalka xuduudihiisa iyo

Dadkey afhayeen u tahay

Dulmina ma yeeli doonto

Indhaha dadkey ku tustaa

Ee xilka daacad ka ahow!.

Ugu danbeystii mudanayaal iyo marwooyin xilka la idiin dhiibay ma yara ee alla ha idiin fududeeyo idinkuna ahaada kuwo ku sifooba ( dadaal badni, daacadnimo, waddaniyad, dal iyo dad jacayl, anshax wanaag iyo dimuqraadiyad islaami ah).




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip