Fanaanada Saynab Labadhagax oo hees u qaaday Fanaan guursaday Fartun Birimo.

4
Tuesday April 24, 2012 - 20:18:03 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 7463
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fanaanada Saynab Labadhagax oo hees u qaaday Fanaan guursaday Fartun Birimo.

    Hees abuurtay Jaceyl iyo Hinaase Dhageyso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fartun Birimo iyo Labadhagax
Hees abuurtay Jaceyl iyo Hinaase Dhageyso

Hees ay soo saartay Fanaanada Saynab Labadhagax oo loogu magacdaray Hanad ayaa noqotay heesta ugu hadal heynta badan ee 24-kii saac qabsatay Magaaladda Muqdisho kadib markii laga baahiyay Idaacadda Dalsan.

Heestaan cusub ee Labadhagax qaaday waxay ku amaaneysaa Fanaanka Faysal Hanad iyadoo dhinaca kalena ay tahay Jawaabta hees uu qaado Fanaanka oo lagu magacaabo Hayaan.

Waxaa la isla dhexmarayaa in Fanaanada Saynab Labadhagax Jaceyl u qaaday Faysal Hanad oo ay ka heshay codkiisa hasse yeeshee waxaa laba todobaad ka hor la ogaaday in Faysal guursaday Fanaanada Fartuun Birimo.

Heesta cusub ee Fanaanada Saynab labadhagax soo qaaday waxaa laga cabsi qabaa inay hinaaso geliso Fanaanada Fartun Birimo.

Abwaanka heesta sameeyay oo ah Dahir Alasow ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo ,ujeedada ay xambaarsan tahay heesta Labadhagax soo qaaday ee Hanad taas oo erayadeeda ay ka mid yihiin,

Nafteydu hayi kacdoo

Hobeey maalmahaan qalbiga

Hilaacbaa bilig u yiri

-----

-Anigoo xalay hurdaa

Hiloowga I toosiyoo

Heedhe waxaan doonayaa

Hanad inankaan ka helayee.

-------

Hooskeeygaan ku moodayaa

Hadalkaagaan maqlaa

Harowiyo Saylac baan

Huunow heelo kaaga tumayaa.

---

-Hufnaan baa lagu korshoo

Waxaan hala hala iraa

Markuu qunyar heesayee.

Markuu qunyar heesayee

---

Hooskeeygaan ku moodayaa

Hadalkaagaan maqlaa

Hargeysiyo Baydhabaan

Huunow heelo kaaga tumayaa.

---

Halaasiga luuqdabaan

Inaba lagu heeysanoo

Halyeey garashoow ka yahay

Hormuud jiilkoow u yahay,

----

Hooskeeygaan ku moodayaa

Hadalkaagaan maqlaa

Harawiyo Muqdishaan

Huunow heelo kaaga tumayaa.

Dhamaad



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip