U ciidami-Faaladda todobaadka ee Fanaan Bashiir Cali Xuseen

2
Monday November 15, 2010 - 12:04:34 in Faallooyin by Super Admin
  • Visits: 12458
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    U ciidami-Faaladda todobaadka ee Fanaan Bashiir Cali Xuseen

    Fanaanka Bashiir Cali Xuseen ayaa qoray faaladda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saado Cunaabi iyo Asli Calanside
Fanaanka Bashiir Cali Xuseen ayaa qoray faaladda

U ciidami, waa cinwaan khuseeya qof kasta oo soomaali ah oo dhiig waddaniyadeed leh oo ay dhibeyso xumaha dalkiisa, dadkiisa iyo calan kiisaba, waxaana tusaale u ah gabdhaha ku dayashada mudan ee muuqaalka calanka buluuggaahxanbaarsan.

Saado Cali Warsame, weligeedba waxey aheyd fanaanad afhayeen u ah oo u doodda bulshaweynta Soomaaliyeed maantana qareen u ah calankan buluugga ah ee xurmadii uu lahaa laga xayuubiyay, sidoo kale, Asli calansida, waxey aheyd gabar ka tirsan ciidamadii cirka soomaaliyeed, waxeyna aheyd gabadha kaliya ee daadihisay diyaaradihii ciidanka , maantana u taagan calanka badbaadin tiisa.

12.Oktoober.1954kii, ayuu ka mid noqday calamada dunida guudkeeda ka dul babbanaya.

U ciidami:-calankani buluugga ah ee xidigta cad ee shan geesta ahi ay ku asteysan tahayaxsaanleysuma siin ee wuxuu ku yimid dhiigga halyeeyadii Soomaaliyeed ee naaftooda u soo huray inuusan dalkooda gumeyste ku ladin caddaan iyo madow kuu doonaba ha ahaadee!.

U ciidami:- calankani dhalashadiisii waddaniyiin fara badan baa iilka u soo galay, carruuro aan tira koob laheyn baa u soo agoomoobay, hooyooyin Soomaaliyeed baa asaayu soo qaaday!, taasina waxey sababtay inuu noqda astaan qaran oo ay ku soo wada hirtaan umadda soomaaliyeed.

26. juun1960kii, habeenkii xorriyadda ee ay halyeeyadu ku geeraarayeen:-

Sarreeyow ma nusqaamow

Aan siduu yahay eegnee

Kanna sii kanna saareey.

Dadkii habeenkaa joogay ee farxadda calan saarka awgeed u suuxay amaba la ooyeeu ilmeeyay sacabkana u deyn waayay ilaa uu waagu ugu baryay beerta xorriyadda, haddey maanta nool yihiin oo ay burburkaan arki lahaayeen qalbigoodu sidee buu noqon lahaa!!!?.

Afar maalmood ka dib, halgamayaashii ka soo qeyb galay dhagaxtuur iyo kacdoonkii ha noolaato ee saqda dhexe hor tubnaa( Officio Governo)si ay calansaarka1daluulyo uga wada qeyb galaan, haddey maanta nool yihiin oo ay darxumadaan arkayaan waxna aysan ka qaban karin dareen koodu sidee buu ahaan lahaa!?.

Kuwa dhadhemiyay neecaawda xorriyadda dalkana wax ku soo bartay ee waddaniyadda la qiireysan maanta calankooda lagu hor gubaayo amaba lagu hor jeex jeexayo, weliba loogu sii darayo waa calal xune maxaa macna ah oo uu soo kordhinayaa, iyada oo qaar kalana ay leeyihiin waacalaamad gaaleed oo mid madow baan ku badeyleynaa, sow inta wax garadka ahi lama gudboona iney dib ugu laabtaan ( S.Y.L ) iyo halgan keedii oo kale?.

U ciidami:-Sow ma habboona in calanka lala dadaamiyo Saado Cali Warsame iyo Asli Xasan cabaade (asli calansida) oo u muuqda horyaalka badbaadinta calanka soomaaliyeed iyo inta ay laabtoodu ka guuxeyso u hiillinta calanka astaanta u ah jiritaanka qaranimo ee dadkaSoomaaliyeed iyo dalkooda hooyo.

U ciidami:-dhammaan jaaliyadaha soomaaliyeed ee dunida dacalladeeda ku kala nool gaar ahaan dumarka soomaaliyeed dushooda ayuu mar walba ka muuqdaa buluugle calan keenna, taas oo ay raggu kaga horreeyaan mar walba, waxaan leeyahay halkiinna ka sii wada.

Carruur iyo cirroolaba, ceyn weynta soomaaliyeedey, calan kiinna sharafka leh, Cidi idinka ma xigtee, caawiyoo u ciidamiya.

Calanyow cirka u eg

Ee caad la guurka ah

Midka ciid kugu jiiday

Iyo mid ku caawiyee

Cirka sare ku geeyay

Mid keebaa cisa mudan

Mid keebaa ciqaab mudan?

Waxba ha calool xumaan

Col ku daafacaa jira

Ciidan kaagi wuu iman

Ceelashii shidaalkiyo

Caddaalad baan fileynaa

Ciidaada hooyana

Casiis baa awood lehe

Wey camirmi doontaa

Carabiyo cajamiba

Caalamkaba dhamaantii

Adigaa caawin doonee

Cindiga taa ku sii haay.

Qalinka:-

Bashiir. C. Xuseen.

[email protected]



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip