Topnews:-Website laga heli karo dhamaan Fanka iyo suugaanta oo la furay

99
Friday November 19, 2010 - 03:49:00 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 28929
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Topnews:-Website laga heli karo dhamaan Fanka iyo suugaanta oo la furay

    Cunaabi.com

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cunaabi.com Saado Cunaabi-Hooyga dhaqanka iyo suugaanta
Cunaabi.com

Warbaahinta Waagacusub ayaa furtay Website baaxadweyn oo loogu tala galay in lagu shubo dhamaan Fanka iyo Suugaanta bulshada ku hadasha afka Somaliga.

Fanaanadda Qaranka ee Hoboladda Waaberi Saado Cali Warsame (Cunaabi) ayaa loogu magacdaray Website-ka cusub oo ciwaankiisu yahay Cunaabi.com ama Cunaabi.net

Cunaabi.com waxaa hergelintiisa ku baxday lacag dhan 23000$ sedex iyo labaatan kun oo dollar,waxaana loo dhisay hab casriya oo sahlaya in qofkasta uu si fudud ku helo heesta ama fanaanka uu xiiseeynayo.

Website-ka Cunaabi.com wuxuu leeyahay qeybo Heeso,Riwaayado,Gabayo,Wareysiyo,Nabi amaano,Shirib,Guuroow,Ciyaar dhaqameedyo,warbixino hiddaha iyo dhaqanka,waxayna dhamaantood iskugu jiraan Maqal iyo Muuqaal.

Keydka Radio Muqdisho,Radio Hargeysa iyo Wakaaladda Filimadda Soomaaliyeed oo labaatan sano la xafidayay ayaa si rasmiya looga helayaa Websiteka Cunaabi.com

Waxyaabaha ugu xiisaha badan ee Cunaabi.com laga heli doona waxaa ka mida in Hees walba lagu dul qori doono,Fanaanka qaada,Abwaanka sameeyay,Laxamiistaha,Muusikiistaha,xilliga la duubay,hadii heestu Riwaayad ku jirtay ama kali loo qaaday iwm.

Sedex kun oo heesood,isuguna jira Jaceyl,Wadani,kicin,anti,amaan iyo dhaqan ayaa lagu guuleeystay in lagu shubo Serverka Cunaabi.com iyadoo heesaha dhamaantoodna ay yihiin heesahii Idaacadaha Hargeysa iyo Muqdisho lagu keeydiyay berrisamaadkii.

Hadii qofka doonayo inuu raadraaco Kooxaha hoboladda Qaranka wuxuu dooran karaa Ciwaanada ku jira tilmaamaha Webka Koox (MENU) kadibna wuxuu duurxulan karaa magacyada kooxaha sida Waaberi,Heegan,Horseed,iftin,Halgan,Danan iwm

Cunaabi.com waxaa lagu qori doonaa taariikh nololeedka fanaaniinta Soomaaliyeed,waxaa kale oo aad ka heli doontaan bandhig faneedyada iyo safaradda Fanaaniinta Soomaaliyeed.

Heesaha cusub ee fanaaniinta waaweyn iyo kuwa soo baxay burburkii kadib ayaa loo sameeyay qeyb gaara oo laga dheehan karo waloow aan xulasho ku sameeyn doono heesaha ,si aanan loo gelin hees kasta.

Cunaabi.com oo laga heli karo hees kasta iyadoo qoraal ah,wuxuu qiimeeyn doonaa heesaha cusub inta aan fanaanka loo balanqaadin in loo faafin doono si Website-ka u noqdo mid loo gaar yeelay heesaha xulka oo kaliya.

Shabaakadda Balaaran ee Cunaabi waxaa hirgelinteeda gacan ka geystay Ururka Fanka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee SAAC.

[email protected]

FG:Heesaha Somalia iyo taariikhdooda mar dhaw ayaad ka bogan doontaan inshaa allaah

Fadlan fikirkaaga ku dhiibo halkaan hoose,kana soo talo bixi sida uu kuula muuqdo webka iyo waxa ka qaldan,u baahan yahay in lagu kordhiyo iyo sida aad u aragtid



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip