Daawo Akhriso sheekadii xiisaha badneed ee MAANAFAAY Q4aad iyo Wariye Xasan Kaafi qoyste

0
Tuesday July 24, 2018 - 06:40:31 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 3964
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Akhriso sheekadii xiisaha badneed ee MAANAFAAY Q4aad iyo Wariye Xasan Kaafi qoyste

    CUNAABI.NET - Leyla saddex sano ayay Maana-Faay ka weyn tahay. Dugsigana waxay uga horraysey laba sano. Markii Maana dugsiga dhexe ka baxday, bay Leylana dugsiga kalkaaliyayaasha caafimaadka ka baxday, kaaliye takhtarna shaqo ku bilowday. Waxay is je

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

CUNAABI.NET - Leyla saddex sano ayay Maana-Faay ka weyn tahay. Dugsigana waxay uga horraysey laba sano. Markii Maana dugsiga dhexe ka baxday, bay Leylana dugsiga kalkaaliyayaasha caafimaadka ka baxday, kaaliye takhtarna shaqo ku bilowday. Waxay is jeclaadeen Ciise Dheere oo afar sano ka weyn, ahna farsama-yaqaan ka shaqeeya Mashruuca Sahminta Hawada.

Dhibaato aan la soo koobi karin ayay ka soo mareen jacaylkoodaas iyo sidii ay qoyska gabadha uga heli lahaayeen oggolaansho guur. Markay ka waayeen, bay isla dhuunteen, ka dibse waalidkii way maslexeen, waana la heshiiyey, gargalyo fara badan ka dib.

Xaaji Muumin inkastoo uu ka mid yahay ganacsatada yaryar, haddana wuxuu uga duwan yahay fikradda khaladka ah ee qaarkood ka qabaan waxbarashada iyo shaqada dawladda. Waxaa kale oo uu odayaasha da’diisa ah ee ay isku xaafadda yihiin uga duwan yahay sida ay u arkaan barbaarinta ubadka. Aragtiyaha qaarkood wuu la wadaagaa. Wuxuuse uga yare horreeyaa fahamka isbaddelka casriga iyo dabeecadda dhallinyarada.

Saaxiibbadiisa ay habeenkii gidaarrada xaafadda ku sheekaystaan, in badan ayay ku dhaliilaan gabdhihiisa uu dugsiga u dirtay ee dariiqyada shuko la’aanta ku mara. Hase yeeshee waxaa xaalkii is baddelay markii la arkay waddada Leyla martay, Maanana ku socoto. Waalidiin badani waxay ka masayreen wax tarka ay Leyla nafteeda, reerkeeda iyo waalidkeedba u yeelatay iyo magaca ay bulshada ku dhex yeelatay. Xaafadda oo dhan markii qof madaxu xanuunoba waxaa la yiraahdaa, Leyla ha la jeriyo. Dad badan ayaa markaas Xaaji Muumin ku dayday. Intay gabdhahoodii shukooyinkii ka xooreen bay dugsiyada u dirsadeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip