Daawo Akhriso sheekadii xiisaha badneed ee MAANAFAAY Qeybta 2aad - Wariye Xasan Kaafi Qoyste

0
Friday May 25, 2018 - 10:22:11 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 5411
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Daawo Akhriso sheekadii xiisaha badneed ee MAANAFAAY Qeybta 2aad - Wariye Xasan Kaafi Qoyste

    Cunaabi.net - Bal isu fiiri saaka iyo subaxdii iyadoo sida dheemanta u hillaacaysa ay taagnayd Shaneema Xamar horteeda. Subaxdaasi taariikhda Maana-Faay meel weyn bay ka gashay. Intay ifka saaran tahayna maskaxdeeda ka go'i mayso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cunaabi.net - Bal isu fiiri saaka iyo subaxdii iyadoo sida dheemanta u hillaacaysa ay taagnayd Shaneema Xamar horteeda. Subaxdaasi taariikhda Maana-Faay meel weyn bay ka gashay. Intay ifka saaran tahayna maskaxdeeda ka go'i mayso.

Markay in yar joogtaba way ku soo dhacdaa. Waxaa hor yimaada muuqaalkeedii il qabadka lahaa ee marba gaari isu taagayey, iyana ka sii jeesanaysey. Waxay qabtey dharkii dugsiga, buugaagtiina gacantay ku haysatay. Waxay sugaysey tagsi dugsigeedii u sii dhaweeya. Tagsigii waa ku soo daahay. Iyadoo weli sugaysa, ayay gadaasheeda ka maqashay cod aan ku cusbayn una caddayn oo ku soo qaylinaya, "Maana-Faay! Alla waa iyadii!”

Dib bay u jalleecday. isla markiina ku orodday markay aqootay, "Weey Sahra, ii warran abbaaye!”

Waa la isku dhagay, dhabannada la iska dhunkaday.

"Naa ii warran intee ka baxday beryahaan?”

"Allaa! Shimaa isugu keen dambaysey! Hal sano camal waa dhan tahay, haye! Haddii shakho la helo, dad ma la soo salaamaayo, maahoo Sahra?”

"Qof xun baad noqotay Maana. Maxaad iigu imaanwayday, waad ogtahay anigaa guri firaaqa ah keligay daggene?”

"Cawadaan kuu imaahaa.”

"Waa yahay, caawaynnu si fiican u sheekeysan doonnaa, hadda shaqaan ku ordayaa, adiguna dugsi baad u socotaaye, caawa hal saac baan ku sugayaa, ciddiina igu salaam, yaa macaantey?”

"Haye abbaay. Jaaw hee.”

Sahra Yuusuf ballantaasi waxay ka ahayd afgobaadsi reer magaalnimo. Laakiin Maana-Faay culays weyn bay la lahayd, wayna ka sii fekereysey maalintii oo idil. Yaa u sheega booqashadaasi waxa ay u soo waddo. Yaa ogeysiiya in ay u horseedi doonto inqilaabkii ugu weynaa ee nolosheeda ku dhaca! Yaa uga diga in ay noqon doonto albaab ay ka gasho tijaabadii ugu khatarsanayd ee soo marta: tijaabo kharaar haddana macaan? Xanuun iyo xiise isku dhafan!

Daawo Akhriso qeybta 1-aad ee Sheekadda Maanafaay 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip