Maxaad ka taqaan Fanaanadii Xaliimo Milaano - Saw adiga maaheeyn?

0
Monday March 26, 2018 - 08:41:02 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2470
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad ka taqaan Fanaanadii Xaliimo Milaano - Saw adiga maaheeyn?

    Saw adiga maahaa? Xaliimo Maxamed Muuse Muraan ( Milaano) waxay ku kortay Muqdisho oo ay la noolayd Aayadeed (Edadeed) ka dibna Jowhar ayey u wareegtay oo aabaheed deganaa kana shaqayn jiray goob caafimaad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saw adiga maahaa? Xaliimo Maxamed Muuse Muraan ( Milaano) waxay ku kortay Muqdisho oo ay la noolayd Aayadeed (Edadeed) ka dibna Jowhar ayey u wareegtay oo aabaheed deganaa kana shaqayn jiray goob caafimaad. 1979 ayey kooxdii Horseed riwaayad gaysay Jowhar ka dibna halkaasi ayey kaga soo biirtay waxayna u bixiyeen magaca Milaano.

Xaliimo oo ay isguursadeen Bashiir Ibraahim oo isna ka tirsanaa kooxda Horseed sidoo kale wuxuu mar ka mid ahaay xerta Sheekh Nuur oo caan ka ah Jilib iyo Jamame.

Waxay qaaday heeso jacayl ah iyo waliba qasiidooyin.

Iyada iyo koox uu ka mid yahay Saygeedu ayaa Jabouti u tagay bandhig faneed dhammaadkii 1999-kii ka dib waxay soo mareen Jig-jiga ilaa ay soo gaadheen deegaanka Doolow halkaasi oo ay la kulmeen Shil gaadhigii ay la socdeen ka dibna halkaasi ayey Xaliimo ku geeriyootay.

Alle ha u naxariisto
Waxaa qoray
Cumar Seerbiya


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip