Heestaan waxaa loo hibeeyay Abwaanad Shukri Moode.
Ma og tahay galmudugey
Gabdho gama diidoo
Hantidooda gaarkaah
Kula garab istaagiyo
Inaad guurti leedahay.
---
Ma ogtahay galmudugey
Gulufkiyo colaadaha
Marka geeska lays daro
Inaad geesi diriroo
Ganban aad ku caan tahay,
---
Ma ogtahay Galmudugeey
Golahaagu waa nabad
Hobyo godan garkeediyo
Goonyaha Bitaalaa
Geelaagu daaqaa
Ma ogtahay Galmudugeey
Gaalkacyiyo Dagaariyo
Galinsoorya Joowliyo
In Guud ahaan aduunyadu
Gacalkaagu buuxaan.
Erayo: Dahir Alasow
Laxanka: Iskalaaji
Music: Farah Santaana
Ha u tegin Libaax,meel taaganoo,tinta ha u shaleen.waa Fanaanada Codka macaan ee Xaawo Kiin iyo heesteeda cusub ee Tabco
Fanaanada Saamiya Rooble ayaa shan iyo eber ugu awood sheegatay fanaanada Seynab Labadhagax oo ku bariiqatay hees ay dib ka qaaday oo cod xumaanteeda soo shaac bixisay
Fanaanka Cabdi rizak BK ayaa soo saaray Hees cusub oo la magacbaxday Raaliya
Hees Jufa,
Fanaan Iidle Yare.
Jiibinta Xasan Cagaaran,Jooqle iyo Xasan Cujeer.
Idhan Degaladiisii
Inaan wada dalxiisnoo
Kula dubtaa xasiidoo
Kuuna diiro aalaha
Dacalkaaga joogoon
Adi uun ku daawado
Waa duni Barwaaqee
Erayada Mowliid Muuse,
Laxan: Dahir Alasow
Jaceylkaan lilaahidaa
Lakaabo ayaan lahaa
Ubax laamaha ku yaal
Ku leexeeysaan lahaa
Barwaaqadaan leeyligaa
Ayaamaan liqi lahaa
Lamaanahu waxaan lahaa
Qiyaar ha u loolamin
Hayeeshee Lahashadii
Liishaanka halkaan ku waday
Leebkii anoon la helin
Waxaan galay lur iyo hoowl
Hees: Liishaan
Fanaan: Abdirizak BK
Erayo: Cabdi Kariim Sandheere
Laxan: Mohamed Abukar
Music: Yusuf Subxaanyo
Hees Jaaw
----
Ruux jiran dartaa
Jaceyl kuu hayoo
Kuu jeelan baan
Jamaadeey ahee
----
Naftaad jiidatoo
Jaarkeey fahmee
Ku Jantaye macaan
Jiribkiiga daa
----
Ha ii jibinin Cadaw
Heeys oran Jikaar
Heeyga jeesanoo
Jaaw heeygu oran
----
Ruux jiifsan aawadaa
Jadiin diidayoo
Ku jeedaaliyaan
Joog dheer ahee
------------------
Waan ku jeclahoo
Jar baan taagnahee
Kuu jiir go''ee
Jaribkeeyga daa
Erayo iyo Laxan
Dahir Alasow
War hooy Wariyoow run weri
Fanaaniinta Caasho Kiin iyo Cabdi Heelo
Waa erayadii Abwaan Guure.
Hees Guul iyo Midnimo
Hees hayaan iyo Fanaan Faysal Hanad
Nafteeydu Hayaan gashoo
Hubaal maalmahaan qalbiga
Hilaacbaa bilig u yiri,
Anigoo Holland ku nool
Hawaawiga ila tagyoo
Waxaan u hawoonayaa
Hani inantaan ka helay
Hareeraha Boramiyo
Halkuu Geela daaqiyo
Hobyo geesaheedaan
Huunooy heelo kaaga tumayaa
Hees My Love iyo Fanaanka Faysal Hanad.
Miyaad moog tahay Marwooy
Sidaan kuu muhanayaa
Miyaad moog tahay Marwooy
Inuu Maankaba ku jiro
--
Miyaad moogtahay Marwooy
Inaan ku dulmeerayaa
Miyaad moog tahay Marwooy
Muuqaaga sidaan u rabo
-------
My Love waan soo socdaa
Mirahi samirkaan sidaa
Markiyo boon iyo quljeed.
Ilaa Muqdishaan ku geeyn.
Macaan Muqdishaan ku geen
---
Erayo: Dahir Alasow
Laxan: Mohamed Wadanoole.
Hees± sanadguuro Khaatuma state
Fanaanka Codka Macaan ee Liibaan Jigjiga
Fanaanka Cabdi Qaboojiye oo beesha Habarjeclo u dhashay ayaa hees ku difaacay adeerkiis Siilaanyo ,tani waxay ka dhigan tahay in heer kulkii qabyaalada beesha Isaaq faraha ka baxday oo maanta meel xun mareeyso.
Fanaanka Abdirashiid Xamari ayaa soo saaray heestii Odayahoow deg degayaa ee Abwaan Ilkajiir ku canaantay Madaxweyne Siilaanyo
Hees Garasho
Fanaanada Ubax Nacfi
Erayo: Cabdi Fitaax Xaaxaale
Laxan: Cali Shaacir
‘Hees Adeey Baday!!
-------
Adeey baday kuleeylaha
Adeey baday,
Inaan buuraha lugeeyoo,
Adeey baday rafaadkiyo
Inaan baxsanoow tahriibee
Adeey baday Jaceylkani
Igu sii balaadhiyo
Adeey baday war beeniyo
balan aan dhamaan,
Ileen beer dumarbaan ka imid
Xilli ragaan baran
Adeey baday Bukaankiyo
Adeey baday
Inay bulshadii ogaatoo.
Adeey baday basaaskiyo
Cudurkaan baxeen
Adeey baday Jaceylkani
Igu sii balaadhiyo
Adeey baday war beeniyo
balan aan dhamaan,
------
Ileen beer dumarbaan ka imid
Xilli ragaan baran
Erayo iyo Laxan
Dahir Alasow
Hees Foos
Fanaan Abdinur Daljir
Erayo Dahir Alasow
Laxan Mohamed Adan Shamuuri
Music Abdiwahab Cantar Naaji
Filsankiyo quruxdaa,
foos loo hibeeyoo.
Farxadiyo asluubtaa,
faxan lagu gardaadshee.
Faduul kama carootoo,
fudeed dumar umeey dhalan
Dhaayahii mar fiirshaa,
ku fogaada eegmada.
Heestii Galmudug, Fanaaniintii Uk Erayadii Iyo Laxankii Dahir Abdulle Alasow, Codadkii Cabdiholland,C.Raxmaan Gaas...
Heesta Maanta ee Radio Cunaabi waa ,Dumar lama Cadaadsho ,lagamana Caroodo ,Cidlana laguma tuuro,Cod naxariisliyo,Calool dabacsan baa lagu wadaa.
Marwo aan wax kuu dhimin.oo dhaqaala kugu xirin,Dhibta kula wadaagtaa,Ma Wax loo dhigaa jira.
Marwo aan wax kuu dhimin,.Dabci loo dhameeyoo,Naxariisna lagu dhalay ,Ma Wax loo dhigaa jira
Dhimbilihi aad shidatay,Debkoodii markuu dhilay,Adi sow kumaad dhicin.Soow dhaawac maad noqon.
Erayo : Xaliimo Koronto
Laxan : Dahir Alasow
Music: Farayare