Hees Roonaan Laheydaa -Qaali Ladan iyo Liiban Jigjiga

0
Saturday August 31, 2013 - 01:48:47 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 5772
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hees Roonaan Laheydaa -Qaali Ladan iyo Liiban Jigjiga

    Roonaan laheeydaa, qof waliba qofkuu rabo, iyadoo la raacshoo, rafiiqiisa laga dhigo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Roonaan laheeydaa, qof waliba qofkuu rabo, iyadoo la raacshoo, rafiiqiisa laga dhigo
Hees Roonaan
----------------------
Roonaan laheeydaa,
Raqiis noqonay dunidee

Soomaaloo israacdoo,
Raaskeenu noo dego
---
Roonaan laheeydaa,
Sida uu raxmaan yiri,
Runta inaan ku dhaqanoo
Beentana la raarido
-------
Roonaan laheeydaa,
qof waliba qofkuu rabo,
iyadoo la raacshoo,
rafiiqiisa laga dhigo
-------------------------
Roonaan laheeydaa
Reer,reerka baasiyo
Inaan raad arooryaad
Dib loo raacin waayaha.
------------------
Roonaan laheeydaa
Rafaad nooma laabnee
Raggu inay garqaataan.
Raaskana dib loo dhiso
------------------
Roonaan laheeydaa,
qof waliba qofkuu rabo,
iyadoo la raacshoo,
rafiiqiisa laga dhigo
-----
Roonaan laheeydaa,
Rajo lagama quustee
Rabbi inuu nasteexiyo
Raxmadiisa noo shubo.
--
Roonaan laheeydaa
Sida aniga aan rabo
In leey raaco teeydoo
Caashaqeenu raagaa
---------------------
Roonaan laheeydaa,
qof waliba qofkuu rabo,
iyadoo la raacshoo,
rafiiqiisa laga dhigo
----------------------
Erayo iyo Laxan
By Dahir Abdulle Alasow


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip