Qoraal Hees Bidhaansi - Liiban Jigjiga - New song 2013

2
Sunday August 11, 2013 - 20:24:31 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 10020
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qoraal Hees Bidhaansi - Liiban Jigjiga - New song 2013

    Fanaan Liiban Jigjiga ayaa soo saaray hees la magacbaxday Bidhaansi oo lagu amaanay dhamaan gobolada dhexe ee Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fanaan Liiban Jigjiga ayaa soo saaray hees la magacbaxday Bidhaansi oo lagu amaanay dhamaan gobolada dhexe ee Somalia.

Hees Bidhaansi

-----------------
Anoo dibadda joogaa
Riyo aan ku duuloo
Degalada Dhulkeeygaan
Xalay aan dulmeeree,
Dacalada Hobyood iyo
Dalsantii Kismaayiyo
Dooxada Nugaaleed
Alla dalxiis ku wacanaa
----------------
Allaa qurux ku deeyroo
Deeymadiyo muuqaba
Kala daran bidhaansiga
Doc kastood ka eegtee,
Soo daawo oo arag.
--------------------
Waa Dihan Barwaaqiyo
Nimco ay daroortoo

Dalagiyo Soofkaa
Hubaal loogu deeqee
Damashii Hargeysiyo
Daallo Ceerigaabiyo
Dilla iyo Borama
Alla dalxiis ku wacanaa.
--------
Allaa qurux ku deeyroo
Deeymadiyo muuqaba
Kala daran bidhaansiga
Doc kastood ka eegtee,
Soo daawo oo arag.
-----------,
Buuraha Dumeeriyo.
Diqil ,Cali Sabiixiyo.
Daafaha Jiboutiyo
Daaraha jiga jiga iyo
Xaruntii dalkeeniyo.
Daljir iyo Fiyooriyo
Dulihii qardhood.
Alla Dalxiis ku wacanaa
--
Allaa qurux ku deeyroo
Deeymo iyo muuqaba
Kala daran bidhaansiga
Doc kastood ka eegtee,
Soo daawo oo arag.
-----
Erayo: Dahir Alasow
Laxan: Xuseen Shire Ciyaar jecel.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip