Hees cusub Baadi Goob Fanaanada Qaali Ladan

3
Thursday May 16, 2013 - 23:25:38 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 7745
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hees cusub Baadi Goob Fanaanada Qaali Ladan

    Riyadu xalay ila baxdoo Boramaan u dalxiis tagoo Bakiyo dila sii maroo Barwaaqaa gobolka tiil ---- Bulshadu weey caweeynayeen Calankooda bilicda wacan Cadaan iyo Baluug buu ahaa Bil iyo Xidig baa ku tiil ---- Miyaadan ballan aqoon Bilaahi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Riyadu xalay ila baxdoo Boramaan u dalxiis tagoo Bakiyo dila sii maroo Barwaaqaa gobolka tiil ---- Bulshadu weey caweeynayeen Calankooda bilicda wacan Cadaan iyo Baluug buu ahaa Bil iyo Xidig baa ku tiil ---- Miyaadan ballan aqoon Bilaahi miyaad ogeen Halkaad beeybi iiga taal Mise qalbi waa bugtaa -- Bukaan baan ahay dartaa Bil dhamaatay kumaanan maqal Boqol kaar soo gatoo Telefoonku iima baxo ---- Berbera ,Sool iyo Sanaag Hobyaan u baqoolayoo Naftaan ku bogsii is iri Beeraha mooskiyo cambaha ------- Yarkaan u basaasayoow Baadigoobkaan kuugu jiray Baafinteeydii kuguma helin Bidhaansina kuguma arag --- Miyaadan ballan aqoon Bilaahi miyaad ogeen Halkaad beeybi iiga taal Mise qalbi waa bugtaa -- Bukaan baan ahay dartaa Bil dhamaatay kumaanan maqal Boqol kaar soo gatoo Telefoonku iima baxo --- Fanaan: Qaali Ladan Erayo iyo Laxan Dahir Abdulle Alasow Music: Cabdi Xakiin Farayare

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip