Daawo Fanaanada Ubax Nacfi oo hees kulul ugu jawaabtay Nacabka Muqdisho

0
Thursday April 18, 2013 - 23:17:26 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 6049
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Fanaanada Ubax Nacfi oo hees kulul ugu jawaabtay Nacabka Muqdisho

    Fanaanada Ubax Nacfi ayaa hees kulul ugu jawaabtay Fanaaniintii Xamar Habaaray ee Ikraan Nafyar iyo Cabdi Khasaaro,waxayna sidoo kale heesta uga hadashay dadka daaha gadaashiisa ka hagayay fanaaniinta Xamar Habaaray. Erayada heesta waxaa ka mida .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fanaanada Ubax Nacfi ayaa hees kulul ugu jawaabtay Fanaaniintii Xamar Habaaray ee Ikraan Nafyar iyo Cabdi Khasaaro,waxayna sidoo kale heesta uga hadashay dadka daaha gadaashiisa ka hagayay fanaaniinta Xamar Habaaray. Erayada heesta waxaa ka mida .

Hees Wakaa Xamar

--------------------

Dadbaa jira naga midoo

Xumaanta uun loo diroo
Inteey deb nagu shidaan
Hadana nagu daawan jiray,
Danqaabadi xaasidkiyo
Naxliguu dul ijaabi rabay
Dadaalkoodii ma fulin
Waxay daadihinayeen
Waxay cadaw soo direen
Ilaahbaa naga duwoo.
Dadaalkoodii khasaar
------
Dalkii Nabadbuu noqdoo
Wakaa dunidii tagtoo
Waakaa Xamar noo degtoo
Wakaa laga wada degoo
Wakaa Wakaa,
degalada Banaadir
Damaashaad iyo Ciyaar
Dalxiis loo wada tagee
Doqoneey ku bikaacso
Damaaciyoow iska quuso.


Dadbaa jira nala dhashoo
Nabada noo diidanoo
Dagaal ebid aan dhamaan
Xumaan nala doonayee
Dacaayadya weerarkii
Doraad nacabkii is yiri,
Ha dumo Qarankaan Dihini
Waxay daadihinayeen
Waxay nala doonayeen
Ilaahbaa naga duwoo.
Dadaalkoodii khasaar
-----
Dalkii Nabadbuu noqdoo
Wakaa dunidii tagtoo
Waakaa Xamar noo degtoo
Wakaa laga wada degoo
Wakaa Wakaa,
degalada Banaadir
Damaashaad iyo Ciyaar
Dalxiis loo wada tagee
Doqoneey ku bikaacso
Damaaciyoow iska quuso.
---------
Erayo iyo Laxan
Dahir Alasow




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip