Xuseen Shire Ciyaar Jecel"Abwaan Dhugdhugle waxaan u bixiyay Ceel la helay"

0
Wednesday March 27, 2013 - 01:45:23 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 7047
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuseen Shire Ciyaar Jecel"Abwaan Dhugdhugle waxaan u bixiyay Ceel la helay"

    INTAAN JOOGA ADUUNKIYO IFKAAN HIIL KAA SUGAYAAYE IXSAANKAAD MAANTA SAMEEYSAAN ABAALKII GUDAYAAYEE IIL MARKII LA I GEEYO ABOOR UU I DHAMEEYSTO UBAX AAD SAARTO DUSHEEYDIYO OOHIN KAAGAMA BAAHNI --------------- UGUB MAAHA JACEYLOO AADAN IYO XAA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

INTAAN JOOGA ADUUNKIYO IFKAAN HIIL KAA SUGAYAAYE IXSAANKAAD MAANTA SAMEEYSAAN ABAALKII GUDAYAAYEE IIL MARKII LA I GEEYO ABOOR UU I DHAMEEYSTO UBAX AAD SAARTO DUSHEEYDIYO OOHIN KAAGAMA BAAHNI --------------- UGUB MAAHA JACEYLOO AADAN IYO XAAWAA INDHAHAA U BASAASAY ARAGAAGA XABIIBO URUGAAD IGU BEERTOO AAD BAAN KUUGU HILOOBAY --- ERAY AAN KU QABOOBAAN ADNA KAA SUGAYAAYOO INAAD II DAMQI DOONTANA UDGOON WAAN FILAYAAYE UDUB DHIGIISA HOREETIYO AAS AASKIISA LAHAAYEE HEEYGU EEGIN XANUUNKAA

Abwaanka weyn Xuseen Shire Ciyaar jecel ayaa hal abuure uu ka cabsaday ku tilmaamay Abwaan Cabdiraxmaan Macalin Xasan oo loo yaqaan DHUGDHUGLE.


Abwaan Xuseen Shire Ciyaar jecel oo wareeysi siiyay Radio Waagacusub ayaa yiri "Abwaan Dhugdhugle waxaan u bixiyay CEEL LA HELAY maxaa yeelay erayada uu sameeyo ayaa cajiiba,waxaan ku tilmaami karaa Maskaxdiisa CEEL SUUGAAN ka buuxdo"ayuu yiri Abwaan Xuseen Shire .
Abwaan Dhugdhugle ayaa sameeyay heeso fara badan oo laga xusi karo hees la yiraa HEEYGU EEGIN XANUUNKA iyo DHAANTO Cajiiba oo Xuseen Shire Ciyaar jecel qaado hasse yeeshee todobaadkaan ayuu SCORE jibiyay kadib markii uu soo saaray hees saameeyn ku yeelatay qalbiya badan oo la magac baxday HOOYO.
Heesta Hooyo waxaa soo qaaday Fanaan Cabdi Shire Jooqle.
Waa hees erayadeedu micno weyn xambaarsan yihiin looguna magacdari karo HADIYAD HOOYO.
Hadii aan dib ugu laabto HEEYGU EEGIN XANUUNKA.waa erayo cajiiba oo halheys jaceyl noqon kara dhamaan balse aan ka soo qaatee qeyb ka mida ila akhri.
INTAAN JOOGA ADUUNKIYO
IFKAAN HIIL KAA SUGAYAAYE
IXSAANKAAD MAANTA SAMEEYSAAN
ABAALKII GUDAYAAYEE
---
IIL MARKII LA I GEEYO
ABOOR UU I DHAMEEYSTO
UBAX AAD SAARTO DUSHEEYDIYO
OOHIN KAAGAMA BAAHNI
---------------
UGUB MAAHA JACEYLOO
AADAN IYO XAAWAA
UDUB DHIGIISA HOREETIYO
AAS AASKIISA LAHAAYEE
HEEYGU EEGIN XANUUNKAA
Woof ishcalaa erayo,xikmad iyo halku dhig ku cusub afka Somaliga hasse yeeshee markii uu gabadha sii raajiciyay muxuu leeyahay Abwaanka????
INDHAHAA U BASAASAY
ARAGAAGA XABIIBO
URUGAAD IGU BEERTOO
AAD BAAN KUUGU HILOOBAY
---
ERAY AAN KU QABOOBAAN
ADNA KAA SUGAYAAYOO
INAAD II DAMQI DOONTANA
UDGOON WAAN FILAYAAYE
-------------
UGUB MAAHA JACEYLOO
AADAN IYO XAAWAA
UDUB DHIGIISA HOREETIYO
AAS AASKIISA LAHAAYEE
HEEYGU EEGIN XANUUNKAA
Abwaan Dhugdhugle hubaal hadal ulama harin oo xitaa waa u quus gooyay mar hadii uu ku yiri maalinta Aboorka i dhameeysto inaba kaagama baahni inaad ubax u dul dhigto ama ii ooysid ee intaan ifkaan jooga kaalay oo ila noqo olog jaceyl.
Todobaadkaana intaas aan ku dhaafno qormada kooban ee ABWAAN CEEL LA HELAY EX DHUGDHUGLE ,Aniga waxaan leeyahay XABIIBEEY HAKU EEGIN XANUUNKA USTAAD INA HABREEDKEEY.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip