Dhageyso Fanaanada Qaali Ladan oo saartay hees Hungo-

0
Monday March 25, 2013 - 04:54:33 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 4471
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso Fanaanada Qaali Ladan oo saartay hees Hungo-

    Fanaanada Qaali Ladan ayaa soo saartay hees uu Abwaan Jamaal Meecaad Alaale ka sameeyay qiso dhacday oo xanuun badan sida uu Cunaabi.com u sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fanaanada Qaali Ladan ayaa soo saartay hees uu Abwaan Jamaal Meecaad Alaale ka sameeyay qiso dhacday oo xanuun badan sida uu Cunaabi.com u sheegay

Heestaan Hungo loogu magacdaray oo Abwaan Dahir Alasow laxanka saaray waxay noqotay hees dareen gaara gelisay qalbiyada dadkii dhageystay ,waxayna Abwaaniin badan sheegeen in Qaali Ladan Cod baxsan ku qaaday heesta .

Erayadda heesta waa sidaan :-

Hees Hungo

-----

Inuu Halis yahay Jacayl

Hantaaqiyo iyo ciil ku bado

inuu hagar daamo yahay

Anoon hiyigeyga gelin

--

Halaasaan run moodayoo

Nafteeyda hanqaariyoo

Qofaan igu heeysan baan

Hanqalka u taagayaa

----

Siduu ii helay jacayl

Hubaashii ii hantiyey

Miyaan ledayaa hurdoo

DHaraartiina hadh galaa

----

Hamiguu igu beeray baan

DHibtiisa horseedayaa

Humaag buu ii luloo

Cidlaan heehaabayaa

---

Waxaan u haliilayaa

Barasho hungoowdayoo

Waxaan u hamuun qabaa

Nafaan ii hiilineyn.

----

Siduu ii helay jacayl

Hubaashii ii hantiyey

Miyaan ledayaa hurdada

DHaraartiina hadh galaa

----

Erayo: Abwaan Jamaal Miicaad Alaale.

Laxan: Dahir Abdulle Alasow




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip