Alloow Seddex la mida Ilma Shire Ciyaar jecel?

3
Thursday February 14, 2013 - 00:08:52 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 7710
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Alloow Seddex la mida Ilma Shire Ciyaar jecel?

    Faallo Dahir Alasow -

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faallo Dahir Alasow -

Cunaabi.com- Waxay igu ahayd la yaab markii aan Keydka Radio Muqdisho ka helay hees uu Xuseen Shire Ciyaar jecel qaaday sanadkii 1987 maxaa yeelay marna xisaabta iiguma jirin in Xuseen xilliyadii Berisamaadka heesi jiray ,oo Fanaan ahaa.


Intaan yara fariistay ayaan si degan u dhageystay si aan u dhuuxo erayada heesta iyo nuxurkeeda.
Heesta waxaa loogu magacdaray DHITEEYSI waa hees Wadaniya ,waxay Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeeysaa inay dibadda u hanqal taagin ee Kheeyraadka dalkooda buuxa soo saartaan si ay horumar u gaaraan.
Markii aan dhameeystay dhageysiga heesta ayaan mar labaad jaleecay Badweynta suugaanta Keydka Radio Muqdisho waxaase ii soo booday hees labaad oo iyaduna magaceedu yahay EEX .
EEX waa Wadani talooyin muhiima xambaarsan hasse yeeshee wuxuu si gaara u faray shaqaalaha Dowladda iyo madaxda Qaranka inay bulshada u sinaato ,kana fogaadaan EEX iyo Musuqmaasuq.
Sanadkii 2006 ilaa 2009 waxaan ahaay ruux ciilan oo takooran,waxay dadka igu tilmaami jireen inaan ahay GAALO RAAC,BASAAS,NIN DIINTA KA BAXAY,NIN ISLAAMKA NECEB Iyo DACAAYADIISTE .
Gef Qaran iyo godob Sokeeye midna ma gelin balse waxaan Shacabka Soomaaliyeed uga digay halista kooxda Khawaarijta Al-Shabaab kuwaas oo bulshada ku beerlaxawsan jiray inay yihiin dad qoriga u sita Cadaalad iyo ku dhaqanka Shareecadda Islaamka.
Daruufta waayaha waxay ugu dambeyn igu qasabtay inaan dalkeeygii ka soo cararo oo Holland Qaxooti ku noqdo maxaa yeelay dadka badankiis waxay igu dhihi jireen maxaa ku daba dhigay Mujaahidiinta Al-Shabaab ama Islaamka.
Qaraxii Hotel Shamow 03 December ee lagu gumaaday arday iyo aqoonyahaniintii dalka waliba indhahii Qaranka dad u badan kadib ayey neef iga soo fuqday,oo gurmad helay .
QAYLADHAAN WAA WAREEY ,waa hees marna Wahaabkii i saarnaa iga duulisay marna iga ilmeeysiisay.


Waa Koox Wadaniyiina oo la magac baxay Qayladhaan,waxaa erayada heesta sameeyay Cabdi Shire Ciyaar jecel,laxankuna waa Jooqle Shire Ciyaar jecel.waa baroordiiq iyo Qayladhaan wadaninimo.
Maalintaas inkastoo murugadii xasuuqa qof walba la xanuunsanaa hadana waxay ahayd maalintaan xaqiiqsaday in la joogo dhamaadkii Khawaarijta Al-Shabaab hasse yeeshee hada wuxuu qalinkeeyga qaadaa dhigi doonaa AL FANAAN XUSEEN SHIRE CIYAAR JECEL --- La soco Qeybta 2-aad.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip