Qiimeeynta Fanaaniinta cusub ee Wiilasha iyo Gabdhaha ku heesi kara Live - Loolanka Kaalinta 1-aad.

8
Wednesday October 31, 2012 - 14:49:09 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 7919
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiimeeynta Fanaaniinta cusub ee Wiilasha iyo Gabdhaha ku heesi kara Live - Loolanka Kaalinta 1-aad.

    Qiimeeynta Fanaaniinta cusub ee Wiilasha iyo Gabdhaha ku heesi kara Live - Loolanka Kaalinta 1-aad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qiimeeynta Fanaaniinta cusub ee Wiilasha iyo Gabdhaha ku heesi kara Live - Loolanka Kaalinta 1-aad.

Qiimeeyn lagu sameeyay Fanaaniinta soo baxday sanadihii ugu dambeeyay ayey kaalinta 1-aad galeen 18 ka mida Wiilasha iyo Hablaha ku cusub Fanka.

Qiimeenta uu sameeyay Hooyga dhaqanka iyo Suugaanta ee Cunaabi.com waxaa u fariistay guddi iskugu jira Fanaaniin,Abwaano iyo Mulaxamiistayaal waaweyn sida Mohamed Adan Shamuuri,Cabdi Kariim Jiir,Binti Cumar Gacal,Khadijo Daleeys,Fadumo Nakruma,Abwaan Baarleex,Saciid Xarawo,Bashiir Cali Xuseen.

Rugcadaayaasha Fanaaniinta waxay Mudnaanta 1-aad siiyeen Mursal Muuse iyo farxiya Fiska oo ka dhigan Fanaaniin miisaan culus marka laga qiimeeyo codka iyo sida ay toon kasta u jili karaan.

Ragga kaalinta 1-aad galay ee cod macaan ku heesi kara si Live ah waxay kala yihiin:-

1- Cabdirisaaq Alteeso


2- Liibaan Jig Jiga

3- Faysal Hanad

4-Abdi Holland

5-Abdifitah Yare

6- Mursal Muuse

7- Cawale Adan

8- Abdirisak Dhegacade

9- Ahmed Biif

Dumarka waxaa kaalinta 1-aad ku jira

1- Farxiyo Fiska

2- Qaali Ladan

3- Hodan Abdirahman

4- Idil Cadow

5- Sagal Arts

6- Ayaan Warsame

7-Ubax Nacfi

8- Tusmo Yoonis

9- Saamiya Rooble

Gudigga qiimeeynta sameeyay wuxuu ka gaabsaday inuu fanaaniinta kaalinta 1-aad gashay ee Ragga iyo Dumarka iskugu jira u kala saaro ABC maadama qaarkood qalad u fahmi karaan

Qiimeeyntaan waxaa lagu sameeyay Fanaaniinta soo baxday wixii ka dambeeyay 12-kii sano ee la soo dhaafay sidaas darteed Warbixinta ma quseeyso Fanaaniin cod macaan oo laga xusi karo Xasan Wado,Xasan Cagaaran,Cabdullahi Boqol ,Nuradiin Ahmed,Cabdi Fanax,Jeylani Abukar Jeey,Faysal Tashi,Shey Mire Dacar ,Fartuun Birimo,Saynab Labadhagax ,Ubax Fahmo ,Sahra Ileeys,Surqa yareey iyo Deeqa Ahmed Geydh maxaa yeelay waxay fanka galeen shan iyo toban sano ama labaatan sano ka hor.

Fiiro gaara: Waxaan ka cudur daaraneynaa hadii ay jiraan shaqsiyaad cod macaan oo qiimeeynta lagu xaqiray hasse yeeshee kuwaas loolama jeedo Fanaaniinta aan heesi karin ilaa ay Mixer helaan ama Logic software.

Filasho: Heesaha ugu macaan ee sanadihii la soo dhaafay soo baxay ayaan qiimeeyn ku sameeyn doonaa iyadoo heesta lagu xulan doono Laxan Macaan,erayo iyo Codka Fanaaniinta qaadaya.

By Dahir Alasow


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip