Nuudi Kooshin oo Jaad xadistii ku darsaday hal abuur xadis.

2
Friday September 28, 2012 - 06:47:06 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 8308
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuudi Kooshin oo Jaad xadistii ku darsaday hal abuur xadis.

    Ha xadin wixii aad jeclaato ---------- Nuudi oo markii uu Toronto tegay la baxay Kooshin wuxuu sheegtay inuu leeyahay erayada iyo Laxanka Heesta Beerkeey adaa ku weyn taas oo Fadeexad ka raacday hadana maanta wuxuu sheegtay inuu leeyahay Laxanka hee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ha xadin wixii aad jeclaato ---------- Nuudi oo markii uu Toronto tegay la baxay Kooshin wuxuu sheegtay inuu leeyahay erayada iyo Laxanka Heesta Beerkeey adaa ku weyn taas oo Fadeexad ka raacday hadana maanta wuxuu sheegtay inuu leeyahay Laxanka heesta Jaceyl Yoola oo Saciid Toom laxankeeda sameeyay

Mohamud Mohamed Kooshin oo neenaastiisu tahay Nuudi balse markii uu tegay Toronto la baxay Kooshin ayaa dabeecadiisii balwada u ahayd ee Jaad Xadista u bedelay Hal abuur xadis.
Nuudi Kooshin oo xilliyadii uu ku noolaa Addis Ababa gacan yare u ahaa Fanaanka weyn ee Mohamed Adan Shamuuri waxay balwadiisu aheyd inuu Qaadka ama Jaadka dadka la fadhiya xado ,xilliyada ay salaad ama suuliga u kacaan laakiin la yaabku wuxuu yahay inuu hada bilaabay xadista heesaha ,erayada iyo laxamada.

Mohamud Nuudi oo wareeysi siiyay Website-ka Hadhwanaag ayaa sheegtay inuu leeyahay erayada iyo laxanka heesta Beerkeey adaa u weyn oo Orijinaalkeeda iyo laxan saaristeeda uu leeyahay Fanaan Shamuuri.
Mohamud Nuudi oo telefoonka lagula hadlay wuxuu yiri " Sorry inaad dagaalkii Maxaakiimta ku dhimatay ayaa la ii sheegay Abwaane sidaas ayaan heesta isu laheey siiyay"
Hal abuuraha dhintay ma xigmadiisa iyo xaquuqdiisa ayaa la sheegtaa?
Sheekada la yaabka badan ee todobaadkaan nagu qasabtay inaan qormadaan gaaban ku shaacino ayaa ka dhalatay markii aan aragnay Nuudi oo sheegtay inuu laxan saaray heees la yiraa Jaceyl Yoola.
Jaceyl yoolahoo,yoolbarabaan ii yeerayee,barya yeeli maa,yurna kuma tagoo ,yarta dhooftay buu ,doon doon yiraa ayey erayada heesta ku yihiin sax .
Heestaan waxaa sameeyay Abwaan Bashiir Cali Amiir,wuxuuna siiyay Fanaanka laxanka saaray ee Saciid Toom.
Heesta Jaceyl Yool waxaa laga sameeyay qiso ku dhacday nin ka shaqeen jiray Xawaalad ku taal Addis Ababa.
Fanaanka Saciid Toom ayaa heesta sanadkii 2002 ka qaaday Muqdisho,wuxuuna sidoo kale u duubay Keydka Radio Muqdisho iyo Idaacadaha Xamar. Halkaan ka dhageyso Nuudi oo sheeganaya
Mohamud Nuudi oo dad badan la yaabi jireen sida uu qaadka u xado ayaa sanadkii 1998 waxaa loo shiray habeen,waxaa loo soo geday sedex kiilo oo Jaad ah,maxaa yeelay sedex kiilo Jaadka Ethiopia hal qof ma dhameen karo xitaa laba habeen balse ujeedka laga lahaa wuxuu ahaa in la qiimeeyo Nuudi.
Nuudi oo sedex kiilo Hareeri fujisa agtaal ayaa Bashiir Cali Amiir suuliga u baxay markaas ayuu bacdiisii jaadka gacmeeystay.
Wixii habeenkaas ka dambeeyay waxaa Addis Ababa fanaaniintii joogtay isku raaceen in Jaad xadista ka aheyn Jaad la''aan balse balwadiisu tahay.
Hada Hal abuur xadistiisana waxay u badan tahay balwad laakiin xaqiiqadu waxay tahay in tuuganimadu tahay wax qofka sumcadiisa dilo,anagoo tusaale ka dhigan karo sumcad xumada ku dhacday markii Internet-ka lagu faafiyay Heesta Beerkeey adaa ku weyn habeenkii laxanka la saaray iyo Shamuuri oo afkiisa ku sheegaya heesta qofka iska leh iyo inuu laxanka isaga saaray.,
Waxaa fadeexadaas ka sii daran in Youtube la soo geliyay Wareeysi BBC Somali la yeelatay Shamuuri sanadkii 2004.
Si kastaba ha ahaatee,Dhalinyarada fanka ku cusub waa inay ka feejignaadaan heesaha xatooyada ee shaqsiyaad la mida Kooshin uga dhigo heeso cusub.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip