Xusuusta kooxdii Iftiin.

4
Saturday February 05, 2011 - 04:50:53 in Fanaaniinta by Super Admin
  • Visits: 17179
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xusuusta kooxdii Iftiin.

    By Bashiir Cali Xuseen---

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Photo:Bashiir and Hanna
By Bashiir Cali Xuseen---
Kooxda ( Iftiin ) maamul ahaan, waxey hoos tageysay wasaaraddii waxbarashada iyo barbaarinta, waxeyna ka turjumeysay wacyi gelinta iyo baahinta ileyska iftiinka aqoonta miyi iyo magaalaba, taas oo ah ujeeddadii loo asaasay billowgii toddobaatanaadkii xilli ay bulshada soomaaliyeed idil ahaan si kacdoon ah horumar u wada tiigsaneysay.
Marka aynu laba u kala qaadno, magaca ah ( wasaaradda waxabarashada iyo barbaarinta ) qeybta barbaarinta ayey kooxdu usha u soo heysay, iyada oo markaa qeybaha kale ee wasaaraddana dhaliil iyo bogaadinba u aheyd bidhaan tusaaleysa hayaanka geeddiga aqooneed iyo barta lagu furi doono oo ah yoolka nololeed ee la wada tiigsanayo.
Kooxdu, waxey soo martay marxalado kala duwan oo kolba heer soo marayay, waxaana liijaanka u soo hayay oo hoggaankeeda maamul isku soo beddelayay macallimiin waaya arag wada ahaa oo haba kala heer duwanaadaane dhamaantoodba aqoon ku wada abtirsanayay.
Bal inyar xusuustaada dib u dareensii heestii caanka aheyd ( waanada macallinka ) ee uu barbaariye macallin Maxamed Mooge Liibaan, naxariistii janno alla ha siiyee kula dardaarmayay arday kasta oo qalin iyo buug is dul saaray iyo waanadiisii aheyd:-
Wadankiinna wax u barta
Oo xanbaara waajib kiisa.
Dhinac kale, haddii aynu ka eegno kooxdu, waxey laheyd hal-abuurro ku xeel dheeraa hababka gudbinta iyo wacyi gelinta suugaanta aqooneed isuguna jiray kuwo nool iyo qaar kale oo dhintayba, waxaase maanta laga xusi karaa hormuudkii kooxda abwaan ( Dr: Saciid Saalax Axmed ) iyo hal-abuurradii kale ee la jaalka ahaa sida:-
1. Prf:- Axmed Nuur Yuusuf ( marxuum ).
2. C/casiis Daqarre ( marxuum ).
3. Baashe Muuse Macallin- Sooyaal ( marxuum ).
4. C/risaaq Axmed Geeddi ( aakhiro ).
5. C/qaadir Maxamed Shirwac.
6. Max’uud C. calasow ( Jaanni- dheere ).
7. Xasan Cabdi Keynaan.
8. Maxamed Diiriye Sabban.
9. Feysal Axmed Ismaaciil
Marka aad si raaxa leh u dhadhemisid ereyo ka soo fulay hal-abuur caan ah oo la wada garanayo, waxaad ogaataa inuu maansadaasi kuu malabeeyay heesaa aad u cod macaan, sidaasi darteed kooxdu waxey la heyd heesaa aad looga jeclaa dalka hooyo dhammaantoodna ku wada abtirsanayay bah weynta guude macallimiinta soomaaliyeed, waxaana ka mid ahaa:-
1. Barbaariye:- C/llahi Maxamed Jimcaale ( Zulfa ).
2. Barbaariye:- Khaliif Cusmaan cabdi ( sayid khaliifa ).
3. Barbaariye:- Maxamed Cabdow Saalim.
4. Barbaariye:- Maxamed Aadan Isaaq.
5. Barbaariye:- Bashiir cali Xuseen.
6. Barbaariye:- Cusmaan Xasan Ducaale.
7. Barbaariye:- C/qaadir Sheekh Cali Sanka (marxuum )
8. Barbaariye.- Maxamed Cabdi Sheekh ( Carabow )
9. Barbaariye:- Axmed C/lle Bacadle.
10. Barbaariye:- C/qaadir Nagaash wahaab.
11. Barbaariye:- Aadan Iidow Maxamed.
12. Barbaariso:- Maryan Cali Muudeey.
13. Barbaariso:- Khadiijo doolaal.
14. Barbaariso:- Xaawo Ibraahim Afyareey ( marxuumad )
15. Barbaariso:- Aamina cali Jiisow.
16. Barbaariso:- Caddey Cali Axmed.
17. Barbaariso:- Xabiiba Cabdi Max’uud ( xabiiba-wanaag ).
18. Barbaariso:- Luul Cabdi Sheekh.
19. Barbaariso:- Farxiyo cali Sheekh.
20. Barbaariso:- Maryan Sheekh Nuur ( jambaluul )
21. Barbaariso:- Maryan Tube jeelle.
22. Barbaariso:- Safiyo Axmed Mansuur.
23. Barbaariso:- Shukri Maxamuud Cilmi (marxuumad )
Kooxdu intii ay soo jirtay, waxey bulshada u soo bandhigtay riwaayado dhaxal gal ahaa oo mujtamaca wax weyn ugu fadhiyay, waxaana kuwii ugu cuslaa oo dhegaha dadweynaha ka sii shanqaraya ka mid ahaa:-
1. Raad abeeso.
2. Goobo iyo shangees.
3. Daran doorri jacayl iyo duni aakhir samaan.
4. Amakaag Jacayl.
5. Isma wadee waxbaa i wada.
6. Laba dhaqan kala dheer.
7. Roob waa roob.
8. Abxaddii dahaarneyd.
9. Isbeddel iyo afar fac.
Intaa aan soo sheegay iyo qaar kale oo aan halkan lagu soo wada koobi karin, balse bulshada macna weyn ugu fadhiyay suugaan dhaxal gal ahna laga soo reebay, waxey soo gudbinayeen fikrado aqoon ku saleysnaa.
Curinta hal-abuurrada ka sokow, riwaayadaha aan kor ku soo xusay iney taabba qaad noqdaan, waxaa u sabab ahaa jilayaashii bulshada ka iibiyay farriimaha wax tarka ah ee ay xanbaarsanaayeen la’aantoodna aanay waxba suura galeen, waxaana jilayaasha oo iyaguna qaar dhintay iyo kuwo noolba isugu jira ka mid ahaa:-
1. Barbaariye:- Cabdi Cali Nuur ( Zio-tom )
2. Barbaariye:- Nuur Cusmaan Jeyte ( marxuum )
3. Barbaariye:- Cali Jaamac Cawaale ( Cali-dhoof )
4. Barbaariye:- Daahir Cali Jimcaale ( jilaa-mullaxan )
5. Barbaariye:- Faarax Faarax beerrey ( jilaa-kamiriiste)
6. Barbaariye:- Ciise Macallin Cabdulle.
7. Barbaariye:- Qaasim Maxamed Shirwac
8. Barbaariye:- Axmed Gurey.
9. Barbaariso:- Caasho Kaahiye Guuleed.
10.Barbaariso:- Maryan Xaashi Biixi.
11.Barbaariso:- Sahra Warsame Xalane ( marxuumad ).
12.Barbaariso:- Xaawo Faarax Xaashi ( marxuumad ).
13.Barbaariso:- Xaawo salad ( Xaawo Cad )
14.Barbaariso :-Biyood Cali Ugaas.
Kooxda muusikiistaheeda oo aad u fara badnaa waxey u qeybsanaayeen seddex qeyb oo kala ahaa:-
B. Qeyb:- Caweysyada si Privet ah ugu howlaneed.
T. Qeyb:- xaruunta barbaarinta ka howl geli jirtay.
J. Qeyb:- dugsiyada H/dhexe muusig ka dhigi jirtay.
Qeybta caweysyada oo muusig ahaan aad iyo aad looga yaqaannay guud ahaan dalka iyo dibaddaba, waxey iskaashi howleed la lahaayeen shaqsiyaad dhinaca fanka tixgelin weyn ku lahaa laakin aan wasaaradda waxbarashada shaaqaale joogta ah u aheyn.
Muusikleyda kooxdii iftiin ee caweysyada Jubba iyo Curuuba ku meeleysneed, waxaa ka mid ahaa:-
1. Shankar.
2. Sharkanoole.
3. Sheekh Cabdi.
4. Sugulle.
5. Zulfa.
6. Saalax xiriiri
7. Saalax muuse.
8. Xasan A. shariif.
9. Abuukar shoolli
10.Axmed Cadde iikar.
Muusikiis tahani oo sida aan idiin soo sheegayba xirfad ahaan, si aad iyo aad ah caan ugu noqday tumista ama garaacista miyuusigga, waxey wada shaqeyn dhinaca caweysyada ah soo dhex martay heesaa kala duwan oo aan shaqaale joogta ah u aheyn W/waxbarashada iyo barbaarinta sida:-
1. Maxamuud Cabdalla ( jerry )
2. Shimaali Axmed Shimaali.
3. Xabiib Sharaabi Muriidi
4. Axmed Shariif Kiiller ( Marxuum ).
5. Luul jeylaani.
Ugu danbeystii, taariikhda kooxdii Iftiin, wey ka badan tahay wax maqaal lagu soo koobo, waxaanse filayaa xubnihii kooxda ka tirsanaan jiray inta ka nool iyo dhammaanba intii xiiseyn jirtay iney qormadani xusuus ugu filan tahay, inta aan nasiibka u soo yeelan la kulanka kooxdana ay barasho cusub u noqon doonto.
Fiiro gaar ah:- adiga oo xubin kooxda ka tirsan ahaa, haddii aad magacaada meeshan ka weydo ogow lagaa ma tagine qalinkaa ku soo qaban waayay ee laabta ku haay inaad qof tirsan tahay!.
Diyaariye:-
Bashiir Cali Xuseen.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip