Fanaaniin caana oo baaq u jeediyay Somaliland-Oohin iyo tiiraanyo hareysay+Sawiro

2
Thursday January 13, 2011 - 04:33:42 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 6821
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fanaaniin caana oo baaq u jeediyay Somaliland-Oohin iyo tiiraanyo hareysay+Sawiro

    Fanaaniin isku bartay Nairobi-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fanaaniin Soomaaliyeed oo ku kulmay Nairobi
Fanaaniin isku bartay Nairobi-

04 Janaury 2010Cunaabi.com-Munaasabad ay ku kulmeen Fanaaniin caana,Abwaaniin iyo Wariyeyaal ayaa ka dhacday Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.

Barnaamijka oo ay isku duba riday Xamdi Maxamed Kadiye oo ka tirsan Telefishinka Universal,ayna duubayeen Filmqaadayaal ay ka dhexmuuqdeen Xasan Baaffo iyo Darbo wuxuu ahaa mid loo abaabulay sida Doodaha tixmaalka iyo siyaasadda ee ka baxa telefishinada Caalamka.hasse yeeshee waxaa Munaasabada hareeysay ilmo iyo tiiraanyo ka gadaal markii Fanaanada da'da yar ee Sagal iyo Fanaanka Xasan Cagaaran ka hadleen Laxamistaha weyn ee Jiim Sheekh Muumin oo ku xiran Xabsiga Mandheere.

Sagal yar oo Madaxweynaha Somaliland iyo shacabka ugu baaqeeysay inay sii daayaan fanaanka Soomaaliyeed maadama ay Hargeysa tahay Hooyga Fanka Somalia ayaa indhaheeda ilmo buuxiyay,iyadoo awoodi weysay inay sii wado hadalka.

Xasan Cagaraan ayaa bulshada Somalida si calool xumo ka muuqato u waydiistay inay u istaagaan sidii Jiim Sheekh Muumin looga saari lahaa xabsiga Mandheere.

Nuxurka barnaamijka marka sawir laga bixiyo waxaa looga doodayay fanka iyo fanaanka,mar waxaa lagu tilmaami karay Maaweelo,marna wuxuu ahaa mid looga hadlayay Fankii hore iyo kan Fanaaniinta cusub ee Maanta.laakiin waxaa saameeyay xariga Jiim Sheekh Muumin.

Munaasabadda waxaa heeso,gabayo,suugaan kala duwan iyo hadalo ka jeediyay Ustaad Axmed Naaji Sacad,Proff Maxamed Cumar Dalxo,Maxamud Gooh Qarboosh,Muslimo Qaasim Hilowle,Abwaanad Shamsa Macalin,Jilaaga,Falklore-ka weyn ee Jini i shumi,Shiine,Xasan Cagaaran,Sagal,Digriyoow oo ka socday Waayaha cusub,Xildhibaan Nadiif,Film sameeyaha weyn ee Faysal Karateey oo ka mida dhiirigeliyeyaasha Fanka iyo hidaha,King Khaalid,Cabdi Xakiim Fara Yare,Yusuf Jeego,Caynba Cayn,Abukar yare,Shamsa Shumeey,Falastiin Axmed Dhoore oo ka tirsaneed Warfaafintii Somalia,Dahir Abdulle Alasow,Xildhibaan Luul Cabdi Adan iyo Ruqiyo Xasan Adan.

Ustaad Axmed Naaji oo barnaamijka si weyn u qaabeeynayay ayaa ka hadlay taariikhda fanka Somalia,wuxuuna ka qaaday heeso.

Axmed Naaji wuxuu Proff Maxamed Cumar Dalxo ka codsaday inuu munaasabadda ka qaado hees Sudani ah oo xilligii uu jaamacadda ka dhiganayay Khartoum uu qaadi jiray.wuxuuna u garaacay Kabanka.

Gudoomiyaha Isu taga Suxufiyiinta Somalia Dahir Abdulle Alasow oo ka hadlay xafladda ayaa ku dhaliilay midnimo xumida fanaaniinta Soomaaliyeed,wuxuuna xusay inaysan fanaaniinta wax isu qaban laakiin is marxabeeyaan,taasina ay tahay nasiib daro.

Abwaanad Shamsa Macalin iyo Maxamud Goox Qarboosh ayaa Guuroow iyo geeraaro qiimo badan kaga qeybgalay barnaamijka,waxaana ugu dambeeyntii lagu sharfay inay xirto Suxufiyadda Falastiin Axmed Dhoore oo qaaday heesta AAN IS WEHESHANO WALAALAYAAL,waxaa kabanka u garaacayay Axmed Naaji,waxaana la jiibinayay dhamaan ka qeybgalayaasha barnaamijka oo Fanaaniin u badnaa.

Si kastaba ha ahaatee ,Munaasabadda waxay ahayd mid qurux badan oo horseedi karta in fanaaniinta yeeshaan Midow.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip