Saado Cali Warsame oo Si Heersare ah Loogu Soo Dhoweeyey Minneaplos , MN

16
Sunday December 05, 2010 - 07:36:26 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 13269
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Saado Cali Warsame oo Si Heersare ah Loogu Soo Dhoweeyey Minneaplos , MN

    Hobolada qaranka Saado Cali Warsame ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhoweeyey, magaalada Minneapolis, MN , USA. Saado Cali oo ka mid dadweynaha Soomaaliyeed ee degan gobolka Minnesota ayaa ku soo noqotay kadib markii booqasho dheer kusoo kala b

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fanaanada Saado Cunaabi oo Somalida Mareykanka garoonka uga hortageen
Hobolada qaranka Saado Cali Warsame ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhoweeyey, magaalada Minneapolis, MN , USA. Saado Cali oo ka mid dadweynaha Soomaaliyeed ee degan gobolka Minnesota ayaa ku soo noqotay kadib markii booqasho dheer kusoo kala bixisey wadamo badan oo ku kala yaal qaaradaha, Africa, Asia, Europe iyo Australia

Soo dhoweyntan ay Saado Cali Ku mutaysatay in lagu soo dhoweeyo gobolkan ay degaanak ku tahay, waxaa horkacayey Gudoomiyaha SSC, MN Cadbisalan (Najax) iyo ku xigeenkiisa Mudane Maxamuud (Taani). Soo dhoweynta ka dib waxay Saado Cali ka qayb gashay casho sharaf loo sameeyey. Saado oo soo gashay safar dheer waxay dadweynihii halkaas isugu yimi uga mahad celisay soo dhoweynta ay kusoo dhoweeyeen gurigeeda. Waxay balan qaaday inay saxaafada uga warami doonto dhowaan socdaalkeedii dheeraa ee ay kasoo noqotay.

Halkan ka daawo sawirdii soo dhoweynta qaar ka mid ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip