Daawo Akhriso sheekadii xiisaha badneed ee MAANAFAAY Q3aad iyo Wariye Xasan Kaafi qoyste

0
Friday May 25, 2018 - 10:37:22 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2775
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Daawo Akhriso sheekadii xiisaha badneed ee MAANAFAAY Q3aad iyo Wariye Xasan Kaafi qoyste

    Cunaabi.net - Maana-Faay ma ahayn gabdhaha habeenkii raysta. In kastoo aan loo ilaalin jirin sidii walaasheed Iisha, haddana dabeecaddeeduba ma ahayn gabdhaha bixbixidda jecel. Aabbaheed Xaaji Muumin, kama shallaayin makhabiyanimadii uu ka daayey iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cunaabi.net - Maana-Faay ma ahayn gabdhaha habeenkii raysta. In kastoo aan loo ilaalin jirin sidii walaasheed Iisha, haddana dabeecaddeeduba ma ahayn gabdhaha bixbixidda jecel. Aabbaheed Xaaji Muumin, kama shallaayin makhabiyanimadii uu ka daayey iyo waxbarashadii uu u oggolaaday.

Wuxuu ku waana qaatay makhabiyannimadii lagu khasaaray ee gabadhii ilmihiisa u weynayd, Iisha. Waxbarasho iyo mustaqbalba Iisha way seegtay. Dhawrsanaantii gabarnimo ee aawadeed guriga loogu xabbisayna waxay noqotay biyo col loo dhaanshay.

Sagaal iyo toban sano ayay ahayd makhabiyo guriga lagu ilaaliyo. Waxay ahayd gabar aad u qurux badan aadna loo jecel yahay. Xaafadda oo dhan waxaa looga sheekaysan jiray quruxdeeda, caqligeeda, dhawrsanaanteeda iyo miyirkeeda. Aabbaheed iyo hooyadeedba waxay u hayeen kalgacal xad dhaaf ah, wayna ku faani jireen. Dadku way ku cawryi jireen, uguna hambalyayn jireen. Lexejeclada iyo han weynida saa’idka ah ee loo qabay, ayaa keentay ilaalinta dheeraadka ah.

Iisha hal mar uun bay xargo goosatay, dib dambena gacan looguma dhigin. Jartii ay ku fakatay waxaa isla abaabulay naag fataalad ah iyo nin shabeel naagood ah oo doonayey in uu dhawr habeen ku moodo. Dhawrkii habeen markay u dhammaadeen ayuu mid cusub ka raadsaday, iyadiina ku yiri Jaaw Amiiko, ka bul dheh, cagta saar waddada!

Suuqeeday hore u sii gashay. Waxay isu qaadatay sidii qof xabsi ka soo baxay, ee macaanka xorriyadda la dhadhansiiyey. Diyaar uma ahayn in ay xabsigii dib ugu laabato. Xornimo raadis ka sokow, waxaa sii baydadinayay, baqdin ay gurigooda ka qabtay marba hadday danbiga intaas la’eg gashay. Saaxiibbadii cusbaa ee ay dhowrkii beri ku baratay ayay baasheeda ka raacday. Liillalow baa lagu soo dhaweeyey. Abaadirow soo aruuri inanta! Mindhaa sooma aruuriyo!

Maanta qof kastoo qoyska ka mid ah magaca Iisha marka uu dhegtiisa ama maskaxdiisa ku soo dhacdo, waa ku lablaboodaa, korkana ka jiriiricoodaa. Xaaji Muumin haddii cunto hor taal wuu ka sii jeestaa, iskana joojiyaa. Hooyadeed Aay-Caddeyna waaba muraara dillaacdaa. Sheeko socota markii gabdho lagu soo hadal qaado Xaaji Muumin wuu naxaa, warkana xirtaa ama baddelaa. Wuxuu ka baqaa haddii la sii wad wado in marka dambe la yiraahdo, Ka warran gabadhaadii suuqa gashay? Ama qof meel xun ku soo arkay intuu soo gocdo warbixin wadna qabad ah wajiga uga fiiqo, inkastoo uu dhawr sano ka hor tacsideedii dhigay magaceedana warqadda qoyska ka tiray, haddana sidaas ugama harin. Ilaa maanta dad baa uga tacsiyeeya, ee boogtii ka danqiya.

Iisha waalidkeed waxay ku noqotay boog ceebeed oo aan ka harayn inta ay nool yihiin. Waa ciqaabkii aad ku mutaysateen dambigii aad iyada ka gasheen, markii aad ka xaaraantinimayseen waxbarashadii iyo dhex galkii bulshada, ayay Xaajiga ku yiraahdaan saaxiibbadii qaarkood. Taas ha garaysto ama yuu garaysan, kollaybase mid buu ogaaday. Wuxuu hubsaday qof aan iyadu is ilaalin in aan cidina ilaalin karin. Markaas ayuu jeexjeexay shukooyinkii uu ugu tala galay gabdhihiisa yaryar, Leyla iyo Maana-Faay: intuu dhar dugsi iyo buugaag u soo gaday buu labadaba waxbarasho u diray.

Halkaan ka Daawo ama ka Akhriso Qeybtii 2aad




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip