Daawo Akhriso sheekadii xiisaha badneed ee MAANAFAAY Q1aad iyo Wariye Xasan Kaafi qoyste

0
Tuesday February 13, 2018 - 09:12:31 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 5231
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Daawo Akhriso sheekadii xiisaha badneed ee MAANAFAAY Q1aad iyo Wariye Xasan Kaafi qoyste

    Iyadoon qofna salaamin, hareerahana eegin, bay qolkeedii halhaleel ugu gudubtay. Sariirtay isku halgaadday. Buugaagtii ay sidatayna koomadiinka dushiisay naxariis la'aan ku tuurtay. Qaar baa dhulka ku daatay. Waligoodba ha daateen. Yaa u jixinji

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoon qofna salaamin, hareerahana eegin, bay qolkeedii halhaleel ugu gudubtay. Sariirtay isku halgaadday. Buugaagtii ay sidatayna koomadiinka dushiisay naxariis la'aan ku tuurtay. Qaar baa dhulka ku daatay. Waligoodba ha daateen. Yaa u jixinjixaya! Yaa aruursanaaya! Addimadeedii baabay aruurin kari la'dahay. Waa taas labadeedii lugood mid sariirta ku dul xoortay, iyadoo kabteedii wadata. Tii kale oo kabtii iskeed uga dhacdayna waxay ka lulataa sariirta qarkeeda. Bowdada waxaa ceego adag uga haya surweelka kaakiga ah ee dugsiga. Waligiisba ha uga hayo! Yaa ka fujinaaya! Yaaba ka xanuunsanaya!

HALKAAN KA DAAWO SHEEKADDA MAQAL IYO MUUQAAL .

Haddaad isha kor ula sii raacdid, waxaad arkaysaa shaati cad oo gacma gaab ah oo ay hoosta ka soo riixayaan laba naas oo dhawaan kobcay. Waxaa la moodaa in ay ka cabanayaan shaatiga turriinsha la’aanta loogu dhejiyey. Waligoodba ha ka cawdeen. Yaa dulman ma iyaga mise guluusyada la moodo in ay sii go’ayaan? Kii doonaaba ha dulmanaado. Yaa isugu tagaaya!

Qofkii u soo galaa wuxuu moodi lahaa ruux suuxsan, ama mar hore gam’ay. Waa runoo indhaha way dansatay, laakiinse hurdo warkeed ma jiro. Indhaheeda beryahaan hurdo sooma booqan. Intay neef culus xoog weyn ku soo jiidday bay xoog ka sii weyn ku soo celisay, sidii iyadoo doonaysa in ay ku soo xaaqdo dhibaatooyinka maskaxdeeda rasaysan. Waxay la ahayd dhibaatooyinkii ifka lagu uumay idil ahaantood in ay iyada dul saaran yihiin. Qof kasta dhibaatadiisaa la culus, isagaana isla jid leh. Noloshaaba sida ah.

Markay indhaha isku qabsatay bay maskaxdeedu isla hadalkii laba jibbaartay. "Aah, dhib badanaa! Saan maan ku joogi karaa? Ilaahayoow sideen wax yeelaa? Iskoolkaanaaba iigu daran. Wax maan barashow ka gaaraa, anigaba waa dhibaataysanahaye! Macallinkaasaanba nacay! Khabiid waaye. Xisaabtiis ma la fahmi karo. Maxay nooga baddaleen macallinkeennii fiicnaay? Sabti imtixaan waaye kuma lohoo. Sabti maahine maantana keena. Imtixaan imtixaan waaba la iiga daran yahee. Iskoolkaan mar lee ma la xiroo. Waa ka neebsalahaa. Laakiin qof minankaan joogto maa neebsaheesa. Dhib maa dhib kaaga roon? An waa yaabay! Dadkaan qaf uula hadasho maa la waayey, oo runta u sheegto. Maxaa la ii khasbaa? Ma rabi. Ma rabi. Ma rabi. Khasab miyaa? Cawo ma rabi, maalin ma rabi! Waalid-waalidaa la idinka badiyey. Ammaan lee i siiya. Waalid oo ilmihiisa xaasad u eh maa la soo arkay? Haddii iga naxaysiin wax dhibkeyga eh ma igu khasbi leheen. Qaftii aniga rabo ma ii diidi leheen. Sidiin rabo lee ii yeeli leheedeen. Ah! Nasiib badanaa qaf xor eh, Sahra Yuusuf camal! Axmed saacaddaan intees joogaa? Xafiiskii aas fadhiyaa. Ah! Maxaan u soo mari waayey? Waa u sheegaa cawada, wixiis rabo ha dhaho. Dhibkaan ma ku jiri karo. Maya. Maya. Ma u sheegi karo. Ceeb waaye. Mashkilad kalaa imaaheeyso. Lacalla haddii…”

Waxaa ka kala goysay shanqar iridka ka soo yeertay. Waxay dareentay qof saan culus oo u soo galay. Indhahase uma kala furine way ismoogaysiisay. Aad bay u necbayd in cidi u soo gasho. Waxay la ahayd culays ka daran kii ay hore u dareemeysey.

"Maana-Faay! Maxaa ku daaray Maana?”

Way garatey. Waa codkii macaanaa ee hooyadeed. Weli indhaha ma kala furin, farna ma dhaqaajin. Intay hooyo ku soo booddo oo dhexda isaga duubto labada dhaban kama dhunkan, sidii caadada u ahaan jirtay, markii ay dugsiga ka timaaddo. Maana Maanadeedii ma aha. Habartii oo qalbi jabsan, xaaladdeedana qaddarinaysa, ayaa intay ku soo dhawaatay, codkiina u sii dabcisay, oraahdii hore u raacisay, "Joogso-hee gebertey dharka iska beddel muggoo aa khadayside. Khadadii waa kaa khaboobooheey saaye.”

"Khada-khadadiina ma rabiye ammaan aan niiga helo,” ayay si kulul ula soo boodday markii hooyadeed hadalkii ku celcelisay. Markay tiri ka dib bay la soo xumaatoy oraahdaas aan asluubta lahayn ee iskeed uga soo fakatay, kamase toobad keenin.

Aay-Caddeey intay cabbaar iyadoo amankaag afka sacabka ku haysa ku dhaygagtay ayay dib uga soo laabatay, iyadoo cagaha jiidaysa, sidii abbaanduule goob dagaal ku soo guul darraystay.

Waa adduun! Cimrigaa dheeraadaa geel dhalaayana waa ku tusaa! Ma Maana-Faay baa qofta sidaani u dambaysey? Aaway baarrinnimadii iyo dhega nugaylkii? Aaway qosolkii iyo qalbi furnaantii? Aaway firfircoonidii iyo sheekadii macaanayd? Aaway xishoodkii iyo xushmad ilaalintii? Aaway dabeecaddii dhan walba dahabka ka ahayd ee ay Xamar Weynoo dhan caanka uga noqotay, habartii gabari ka qalloocataana ku hal qabsan jirtay, Haddiin nasiib leeyahay Maana-Faay camalaan dhali lahaay?

Aay-Caddeey wax ku cusub ma ahayn gabadheedu qadadii ay maalintaas ku diidday iyo xushmad darradii ay ugu jawaabtay. Horay buu yaabkii uga dhammaaday. Beryahaan oo dhan bay kala kulmaysay waxaas iyo wax ka daran. Xanaaqu sankuu ka saarsaaran yahay. Eray kasta oo qof qoyska ka mid ahi ku yiraahdo way dhibsanaysaa, hadduu xun yahay iyo hadduu sanyahayba wuxuu la yeelanayaa dhadhan kharaar, markaasay ama ka xanaaqaysaa ama xargo adag isku celinaysaa, uurkana ka gubanaysaa. Xataa sheekada caadiga ah ee xubnaha qoysku ku sheekaysanayaan, hadday goob joog u tahay way dhibsanaysaa, waxay la noqonaysaa qaw qaw aan dhadhan lahayn. Markaasay uurka iska oranaysaa, Yaa iga aamusiya. Marmarna intay ka kacday qol cidla ah isku xiraysaa, ee ku fekereysaa.

Cunto u dhadhanta goor ugu dambeysay garan mayso. Waqtiga cuntadu marka uu soo dhawaado way ka naxdaa. Markii hooyadeed ku khasabto ayay korka ka taataabataa. Marna way ka dhuumataa, si aan loogu khasbin. Waa taas baaba’day ee dharkeedii ka yaraatay. Away bilicdeedii indhuhu kala boobi jireen, rag badan oo u soo baratamayna ku hungoobeen? Waa taas il go’dee abaarsatay, sidii ubax gu’ barwaaqo koriyey, ka dibse dabayl xagaa dharbaaxooyin naxariis la’aaneed ku dhufatay!

Waa kaaf iyo kala dheeri Maana-Faaydaan madoobaatay ee murugo awgeed maryihii iska beddeli wayday, iyo tii shan bilood ka hor meeshii ay soo gashaba muusikada farxaddu u yeeri jirtey, dunidoo dhanna quruxda iyo qosolka ka buuxin jirtay?




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip