Telkii Hanjabaada iyo Qaybta 2-aad Alloow seddex la mida Ilma Shire Ciyaar jecel

4
Monday February 25, 2013 - 15:13:24 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 8345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Telkii Hanjabaada iyo Qaybta 2-aad Alloow seddex la mida Ilma Shire Ciyaar jecel

    Faallo Dahir Alasow -

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faallo Dahir Alasow - Qormadeydii 1-aad waxaan ku geba gebeeyay filasho la xiriirtay inaan qeybta 2-aad uga hadli doono Fanaan Xuseen Shire Ciyaar jecel .

Si aan u xaqiijiyo in halganka Fanaan Xuseen Shire yahay hadaf Wadaniyadeed oo aan cabsi laheyn ayaan telefoon kula xiriiray anigoo iska dhigaya Al-Shabaab.
Xuseen Shire Ciyaar Jecel waxaa la socday Fanaan Abdullahi Abdi Weheliye,waxaan weydiiyay dharka uu watay iyo meesha ay xilligaas socdeen.
Abdullahi Weheliye waxaan u sheegay inaan Alshabaab iskaga dhigi doono Xuseen Shire sidaas darteed uu iska aamuso .
Aniga iyo Xuseen Shire weligeen telefoon kuma wada hadal,xiriir kalana ma yeelan laakiin waxaa maalin Salaan iiga keenay walaalkiis Abdi Shire Ciyaar jecel oo aan saaxiibo nahay.
Xuseen Shire markii uu Telefoonka iga qabtay waxaan ku bilaabay hanjabaad iyo cabsi gelin hasse yeeshee si Geesinimo leh ayuu iskaga keey caabiyay.
Inkastoo sheeko qosol badan aan wadaagnay hadana waxaan xaqiiqsaday inuu yahay Geesi birta Calashaday oo aan isku mid ka nahay qadiyadda la dagaalanka Khawaarijta Al-Shabaab.


Anigoon isu sheegin ayaan sii daayay Codkii aan ka duubay hasse yeeshee maalmo kadib ayuu ila soo hadlay isagoo qoslaya qosolka aduunkaa wuxuuna igu dhahay " Macalinkaa waa iga reeysay,waxaad tahay geesi aan jeclahay guuleeyso"
Xuseen Shire sheekadiisa waxaa ugu xiiso badan mar uu leeyahay "Walaahi waxaan ku dhashay Baadiye Libaaxa lix saac dadka qaado"
Inuu geesi run sheega yahay taas ayaa ka marqaati kacday maxaa yeelay inta badan bulshada wa ka xaragoodaan reer miyinimada ama baadiye ku dhalashada.
Walaalkiis Abwaan Cabdi Shire ayaan weydiiyay wuxuu ii sheegay inuu Xuseen ku dhashay degaan lagu magacaabo Ulasan oo ka tirsan gobolka Galgaduud balse isagoo Lix sano jira Muqdisho la geeyay.
Ninkaas lix sano jirnimo ku joogay Muqdisho ayaa ku faanay tuuladii uu ku dhashay laakiin nasiib daro kan afartan jirnimada ku tegay Xamar wuxuu ku faanaa inuu Magaalo ku koray.
Hadii aan u soo laabto Sheekadeeydii xiisaha badneed oo aan qeyb ka mida ku qoray buugeeyga la magacbaxay NARROW ESCAPE waxaan ahaay nin niyadiisa farxad hareeysay maalmahii kooxda Qayladhaan soo ifbaxday.
HEESTA LA MAGACBAXDAY KAWAANKII DADKA ee Xuseen Shire iyo Jooqle wada qaadaan.

maalin aan soo kacay oo aan dhageysan ma jirin halsano maxaa yeelay dareen wadaniyadeed ayey xambaarsaneed waxaan ugu magacdaray DHAB KA HADAL ,halkii aan ku garaacayay Al Cabaaska ayey duqeeysay.

Inkastoo aan Abwaan Cabdi Shire ka bartay kelmad la yiraa "CIRKA SOO DUNSHOO WAA INOO DAGAAL" hadana anigu maba ahayn nin Hanjabaadaha u diira,oo nafteeyda waxaan u qeybay dhimasho.taasna waxaan hubay inuu Cabdi shire igala mid yahay sidaas darteed isaga telefoon kuma khasaarin qofna uma dirin.
Anigoo heesta Kawaankii Dadka maalin walba ku ciil baxa ayuu Fanaan Xuseen Shire soo saaray heesta la magacbaxday Dhul Gariir.
Waa Fanaankii oo dharka tuutaha ku lebisan,hees dagaal ku heesaya.
Dhufeeys qodashada,is rog roga iyo is tooxida waxaa la moodaa inuu safka dagaal ku jiro.
Markaan daawaday heesahiisa oo dhan,markaan qiimeeyay sedexda Ilmo Ciyaar jecel iyo wadaninimadooda ayaan maalin anigoo ka soo baxay Masjid ku yaal Breda salaad jimco,intaan gacmaha kor u taagay iri "ALLOOW SEDEX LA MIDA ILMA CIYAAR JECEL".
Waxaan baryada kala jeeday haddii Fanaaniinta laga heli lahaa sedex la mida Ilmo Ciyaar jecel waxaa hubaala in dalkeena Soomaaliya wax weyn iska bedeli lahaayeen.Tusaale Baarlamaankii tirada badnaa waxaa fashiliyayXILDHIBAANIMOOY XAALQAADO,Shabaab waxaa wiiqay Qayladhaan,Baroordiiq,Dhulgariir iyo Kawaankii dadka,MAHIGA waxaa Fashiliyay heestii MAHIGA.
Arrin aan ka xumaaday ayaa dhacday,waa muraala dilaac,waa garasho xumo,waa xisdi qabyaaladeeysan,waa tiiraanyo qofkastoo waxgarto ka xumaado.
Tani maxay tahay waa markii aan Telefishinada ka daawaday Duqii Muqdisho oo ku baaqaya in Fanaaniintii ka aamusnaa dhibaatada ka socota dalkooda ku laabtaan Muqdisho hadana aan marnaba soo hadal qaadin Fanaaniinta halista u bareeray,heeryada gumeeysiga tuuray ee Qayladhaan.
Mohamud Ahmed Tarsan oo ka tegay London muxuu ku xaqiray Fanaaniinta Qayladhaan? Ma garasho xumeey ka tahay? mise Kabiirinta kooxda ayaan reerkiisa aheyn?
Jawaabtaan waxaan ka sugayaa isaga balse ujeedkeeygu wuxuu yahay "ABAAL QOFKII GALAABA IN LOO GUDAA GARWEEYE"
Qofka ama Kooxda waxqabato waa waajib in loo mahadceliyo,waa waajib in lagu xasuusta balse ma mudna in la xaqiro.
Dhambaalkeeyga maaha inaan ku xadgudbayo Fanaaniinta waaweyn ee Soomaaliyeed laakiin waxaan uga socdaa inaysan jirin fanaaniin ka mudan kooxda Qayladhaan,waxaana dhambaalkeeyga ku dalban lahaa in Kooxda Qayladhaan is xilqaanto oo Muqdisho Wadajir u tagaan waloow Kabiirka Kooxda Cabdi Shire iyo walaalkii Jooqle tageen Xamar .

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip