Tiigsigii hankeeygiyo
Taladeeydi nololeed
Qalbigeeygi tegayoo
Tiigsaday halkuu rabay
———
Talaashayoo nafteeydii
Jaceyl iga tan weyn baa
Igu soo tarmaayee ?
——
Tubta toosan rabiyoow
Jaceylkeena taabsii
Taah iyo xanuun la'i
Addigaan ku tuugee
———————————
Tashigii nafteeydiyo
Taban taabadii Guur
Rajadeeydi toostoo
Tiigsaday halkaan rabay
——————————
Taageertaye allahayoow
Tamashleeynta wacaniyo
Quruxdiyo tusaalaha.