Dikaan Jaceyl,W/Q Dahir Abdulle Alasow — 1-aad

0
Monday December 09, 2013 - 04:54:50 in Faallooyin by Super Admin
  • Visits: 5730
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dikaan Jaceyl,W/Q Dahir Abdulle Alasow — 1-aad

    Sheeko taxane ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheeko taxane ah

Dikaan Jaceyl,W/Q Dahir Abdulle Alasow — 1-aad

Waxay ahayd xili dagaaladdii sokeeye burbur iyo colaadii laga dhaxlay ay dadka reer Muqdisho ka soo kabanayeen.

Ma jirin Internet laakiin agagaarka Suuqa Bakaaro ayaa laga furay Xarumo Isgaarsiin oo dadka saf dheer u geli jireen.

Nasrudiin waa 21 jir ku nool Dalka Sweden gaar ahaan Caasimada Stockholm balse ku dhashay Muqdisho.Waxaa bilahii ugu dambeeyay maskaxdiisa hareeyay xasuus huwan xiiso walaalnimo oo uu naftiisa ku waydiinayo gabadh ay yaraantii,isku Iskuul,isku galas,isku dugsi,isku xaafad iyo xulufo ahaayeen,caruurtana si qaasa ay iskaga jeclaayeen maadama ciyaarta iyo sheekada isugu bixi jirtay.

Nasrudiin wuxuu la xiriiray walaalkiis oo si wayn u yaqiinay gabadha ku taagan laabtiisa ee Nimco Farah wuxuuna ka codsaday inuu baadi goobo oo nolosheeda uga soo waramo hadiiba ay ka badbaaday rasaastii dagaalada Sokeeye ee Muqdisho lagu riiqmay.

Codsiga Nasrudiin ku doonayo Nimco Farah kuma uu jirin damac saaxiibtinimo iyo xiriir guur toona,waxaase xasuustiisa ku weyn in Nimco Farah ay ahayd gabadh ay soo wadda mareen dhalinyaranimo lama iloobana laakiin nasiibdaro uusan war iyo wacaal u heyn ,tan iyo markii uu Muqdisho ka dhoofay 1988 xilligaas oo Nasrudiin waxbarsho u tegay Stockholm.

Nasrudiin Walaalkiis Nasir inkastoo maskaxdiisa ay ka guuxeysay tuhun la xiriiray inuu Nasrudiin Caashaqsan yahay Nimco Farah hadana si dhib yar ayey gabdha ay is yaqaaneen ugu geeyeen Nimco Farah,wuxuuna salaan iyo bariidan gaaban kadib u sharaxay in walaalkii Nasrudiin uu jeel u qabo warkeeda iyo wacaalkeeda nolol ama geeri.

Kaftan iyo kala warqaadasho dabadeed wuxuu Naasir gudoonsiiyay Nimco telefoonadii gacanta iyo guriga ee Walaalkiis Nasrudiin .

Nimco Farah oo farxad iyo fikir u dhaxeysa.maskaxdeedana ay hareeyeen moowjado shucaac su-aalo badan oo ay isku weydiineyso fariinta lama filaankaa ee kaga timid Nasrudiin waxay ujeedo hoose xambaarsan tahay ayaa ilaa illinka gurigeeda waxay si tabar yari ka muuqato ku sagootisay Naasir.

Naasir ma dareemin in Nimco dhidid badan jirkeeda hareeyay markii uu aqbaarta Nasrudiin u sheegay laakiin markii ay ka soo laabatay ayey kaligeed faqdeysatay.

“Wegereey Aduunyo,ileen la isma waayo,wiilkii Nasrudiin miyaa walaalkii ka codsaday inuu warkeeyga iyo wacaalkeeyga baafiyo,wax jiraa allaa og,waxaase isweydiin badan waxa jira ee aan ka war heyn,waxaase iiga sii daran,wadada aan u marayo lacagtii aan ku wici lahaa iyo hadii laga fursan waayo sida aan waalidkeyga ku waydiin lahaa”ayey iskula hadashay Nimco Farah oo hoos u foorarta,xasuusteedana ay horkeentay muuqaalkii berri samaadka ee suurada Nasrudiin.

Hiloow dartiis habeenkii hurdo badan ma ladin Nimco wuxuuna Waaga u dilaacay iyadoo ku guda jirta gorfeynta cidda ay ka heleyso lacagtii ay ku wici lahayd Nasrudiin.

Koob qaxwaa oo dheer ayey qaadatay,waxayna mar uu haaf marayay ka dhex aragtay gabadh ay saaxiib ahaayeen inay sheekada u sharaxdo kana qaado lacagta telefoonka.

Labo labo iyo shaki ma gelin ee iyadoo aan qaxwada dhameysan ayey hore kobaha ka ilatay waxayna 23 daqiiqo oo luga ku gaartay gurigii saaxiibteed oo ku yiil degmada Howlwadaag.

Nimco Saaxiibteed markii ay sheekada u kala dhigtay waxay la soo booday,”WARBA ADAA LEH,MAXAAD SUGEE MAAD WACDID HEE”?.

“ Lacagtii aan ku wici lahaa ayaan kuugu imid”ayey Nimco ku kaftantay.

Boqol kun Sh.Somali,dhab dheh ee bood oo la hadal hada”ayey Nimco Saxibteed Simoon ugu laab qaboojisay.

“ Saxib hada meeqo saac ayey u tahay Sweden ,maxaan kala horeynaa horta waqtiga”ayey Nimco waydiisay saaxiibteed Simoon.

“ Sweden iyo arli kale saacadiisa ma aqaane iska wac,hadii lagaa qabtana arag hadaan lagaa qabana arag ama hadaad doonto waydi wiilasha jooga Xarunta Telefoonka Olympic”ayey Simoon ugu jawaab celisay Nimco.

Nimco sheeko kale siima geline durba waxay u huleeshay Xaruntii Telefoonka ee ku tiil jidka 1-aad Suuqa Bakaaro ee isla degmada howlwadaag.

Xilli Saacada Sweden aheyd6:00 AMlaakiin ay Muqdisho u ahayd8:00 AMayey garaacday.

Nasrudiin oo macaansanaaya hurdada ayaa durbadiiba qabtay Telefoonka,{Helloow ma Nasrudiin Baa waa Nimco} ayey ku tiraabtay, {Haa Abaayo waa Nasrudiin ee ii waran} ayuu ugu jawaabay, Farxad iyo ooyin ayaa la isku jiibiyey,waaw allaa ,ma nooshahay,intee joogtaa,waxaa u biloowday sheekadii lagu yaqiin wejiyaal is xasuustay,la soco qeybta 2-aad ee Taxanaha Dikaan Jaceyl.

W/Q Dahir Abdulle Alasow




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip